4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Dagaal khasaare geystay oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab

Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Ugu yaraan siddeed ruux ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Kulan-jareer ee gobolka Bakool.

Dagaalkan oo billowday saakay aroortii ayaa illaa hadda ka socda deegaankaas, iyadoo sarkaal u hadlay ciidamada dowladda uu sheegay inay weerareen mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab.

“Xalay ayaan ka warhelnay in mas’uulkii Al-shabaab ee gobolka Bakool iyo ciidan uu wato ay soo gaareen deegaanka Kulan-jereer, weerar ayaana isla saakay ku qaadnay deegaankaas, waxaana ku dilnay afar ka mid ah ilaaladiisa, isagoo ciddi fooddeed ayuu ku baxsaday,” ayuu yiri Col. Maxamed C/raxmaan.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada dowladda uu ka dhaawacmay hal askari oo keliya, balse goobjoogayaal ku sugnaa deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen maydadka sideed qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah.

“Dagaalku weli waa socdaa, waxayna ciidamada dowladdu baacsanayaan ciidan ka tirsan kuwa Al-shabaab iyo saraakiilkii hoggaaminayay,” ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool u hadlay.

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in deegaankii lagu dagaalamay ay ciidamada dowladdu ku sugan yihiin, xoogaggii Al-shabaabna ay isaga carareen, balse ma sheegin ujeeddada ay xubnaha Al-shabaab lahaayeen.

Ma jirto hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Kulan-jareer oo ka tirsan gobolka Bakool, iyadoo dagaalku uu ka mid noqonayo dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool.

Gobolka Bakool ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay howlgallada ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM, iyagoo bilihii lasoo dhaafay Al-shabaab ka qabsaday degmooyinka Xudur iyo Waajid.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya