4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Biyo-la'aan xooggan oo ka jirta Degmada Buuhoodle iyo Tuulooyin Hoos-taga
Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) —Biyo-la'aan ayaa laga soo sheegayaa deegaanno hoos taga degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn. Biyo-la'aanta ayaa saamaysay nolosha dadka iyo duunyada.

Duqa degmada Buuhoodle Cumar Mahdi Xaaji oo maanta war-baahinta la hadlay, ayaa sheegay in biyo-la'aantu ay ka dhalatay xilligii Jiilaalka oo dheeraaday iyo roobabkii Guga oo aan weli curan.

Inta badan ceelashii biyaha roobka lagu kaydin jirey ayuu sheegay inay gureen (qallaleen), isagoo intaas raaciyey in xilligan qiimaha biyuhu uu si aad ah u kordhay.

"Inta badan baraagihii ay dadku ka cabi jireen way qallaleen, meelaha ugu daran ee ay biyo la'aatu saamaysayna waxaa kamid ah magaalo-madaxda gobolka ee Buuhoodle iyo tuulooyin hoos taga sida: Sool-joogto, Meygaagle, Dhilaalo, Shan-galle, Balli-docol, Kal-shaale, Hagoogne, Sarmaan-tuke iyo Dandan..." Duqa Buuhoodle ayaa sidaas yiri.

Ugu dambeyntii, wuxuu ugu baaqay Dowladda Puntland, hay'adaha samafalka iyo dhammaan dadka khayrka jecel, in ay gacan ka geystaan sidii biyo loo gaarsiin lahaa dadka ku nool miyiga fog.

Dhan kale, isla degmada Buuhoodle waxaa maanta ka dhacay dibadbax roob-doon ah. Boqollaal dadweynaha Buuhoodle ku nool kamid ah ayaa salaad roob-doon ah ku tukadey kuna duceystey garoonka kubadda cagta ee Buuhoodle.

Xilliga Jiilaalka oo dheeraaday ayaa sababay in meelo badan oo dalka kamid ah ay abaaro ka dillaacaan helitaanka biyuhuna uu aad u adkaado, waxase todobaadyo kaddib la filayaa in ay curtaan roobabka Guga oo sannad kasta xilligan oo kale ka da'a inta badan gobollada dalka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya