4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Soomaalida sharciga ku leh dalka Kenya oo ka cabanaya Ciidamada Amniga

Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Soomaalida sharciga leh dalka Kenya ayaa ka cabanaya booliiska dalkaas, iyagoo sheegaya in booliisku ay mararka qaarkood diidaan sharciga ayna ku tilmaamaan mid aan la aqoonsanayn.

Garyaqaan Zakariye oo u shaqeeya hay’adda ka faalloota xasaradaha adduunka ee (ICG) haysatana deggenaashaha Kenya ayaa xusay inay afar jeer ay qabteen ciidamada howlgalka ka wada Nairobi, kuwaasoo uu sheegay in markii uu tusay sharcigiisa deggenaashaha oo u saaran baasaboorka Soomaaliga ah u ku yiraahdeen baasaboor Soomaaligu ma sahaqeynayo.

“Ciidamada aan ka cabanayo waa kuwa sida gaarka ah howlgalka u wada ee AB-da loo yaqaan, afar jeer oo ay i qabteen si xun ayay iila dhaqmeen, waxaase muddo kaddib i fasaxay saraakiisha booliiska,” ayuu yiri garyaqaan Zakariye.

Sidoo kale, garyaqaanka ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka Soomaaliyeed ee sharciga haysta, balse kuwa howlgalka ka wada Islii ay yihiin kuwo six un ula dhaqma cidda sharciga haysata iyo kuwa aan haysan.

“Aniga Kenya waxaan deggenahay shan sano, waxaan bixiyaa canshuur, dhibaato aad u weyn ayayna ku hayaan Soomaalida,” ayuu yiri garyaqaan Zakariye oo intaas ku daray in isagoo sharci haysta haddii sidan loo dhaqmay ay dadka kale ka daran yihiin.

Garyaqaankan oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in qabqabashada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ay tahay mid xadugudub ku ah shuruucda xuquuqda aadanaha ee calaamka, wuxuuna xusay in ciidamada Kenya ay si aan wanaagsanayn ula dhaqmaan Soomaalida.

“Runtii aad ayay u xanuun badan tahay in qof sharciga Kenya la siiyay in haddana la dhibo, sidoo kalena waxaa arrin fool xun ah in dadka Soomaaliyeed ee magan-gayo ahaanta u yimid dalkan in si xun loola dhaqmo iyagana,” ayuu yiri garyaqaan Zakariye.

Hadalka garyaqaankan Soomaaliyeed ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay aad uga carootay xariga qunsulkeeda safaaradda ay ku leedahay Nairobi, taasoo sababtay in danjirihii looga yeero Muqdisho si wax looga weydiiyo arrintan iyo sidoo kale dhibaatooyinka ay la kulmaan Soomaalida ku nool dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya