4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
Kooxo Burcad ah oo Ganacsade Soomaaliyeed ku dilay Dalka Koonfur Afrika

Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Koox burcad ah ayaa xalay ku toogtay ganacsade Somali ah duleedka magaalada Port Elizabeth, iyagoo ka boobay hanti uu ku haystay dukaan uu ku lahaa goobta lagu dilay.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Jeelle Maxamed Jeelle iyadoo kooxihii dilkiisa ka dambeeyay ay isaga baxsadeen goobta, waxaana dilkiisa uga warbixiyay warbaahinta ruux ay ehel yihiin.

“Marxuumka waxaa dilay kooxo burcad ah, kaddib markii ay ku weerareen dukaan uu ku lahaa tuulo ku dhow Port Elizabeth, dilalka loo geysto ganacsatadana ma jirto cid ka hadasha,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada marxuumka.

Sidoo kale, ruuxan ayaa sheegay in marka qofka la dilo ay goobta tagaan ciidammo booliis ah, kuwaasoo baaritaanno kaddib iska taga, iyadoo dilalka ganacsatada ay si weyn ugu kordhayaan dalka Koonfur Afrika.

Booliiska magaalada Port Elizabeth ayaan weli ka hadlin dilka ganacsadahan loogu geystay duleedka magaaladaas, iyadoo inta badan magaaladaas ay ka dhaceen dilal loo geysto Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa tobankii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay ganacsato Soomaaliyeed oo aad u fara badan, kuwaasoo qaarkood dhagax lagu dilay, taasoo ka careysiisay Soomaali badan oo ku nool caalamka dacalladiisa.

Xukuumadda Somalia ayaa dhowr jeer oo hore ka dalbatay xukuumadda Koonfur Afrika inay wax ka qabato, balse ma muuqato wax ay ka qabanayso, iyadoo dilalka ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya