4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2014
JAWAARI: Safiirka Somalia ee Kenya Wuxuu Hor-imaanayaa Baarlamaanka

Isniin, Abriil 28, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika uu horimaanayo baarlamaanka si xildhibaannada uu ugu sharraxo xaaladaha ka taagan Nairobi.

Jawaari ayaa sheegay in tani ay tahay fursad ay xildhibaannadu markii ugu horreysay ku dhageysan doonaan danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, si ay wax badan uga ogaadaan dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalka Kenya lagu hayo iyo xarigii booliiska Kenya ay u geysteen qunsulka safaaradda Somalia ee Kenya.

“Danjiruhu wuxuu imaan doonaa baarlamaanka si uu sharraxaad uga siiyo xildhibaannada baarlamaanka howlgallada lagu qabqabanayo Soomaalida iyo xarigii booliska Kenya ay u geysteen qunsulka safaaradda Somalia ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire,” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ma sheegin xilliga uu horimaanayo safiirka golaha baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuse xusay inuu dhawaan horimaan doono, iyadoo danjiraha oo shalay soo gaaray Muqdisho uu sheegay inuu Muqdisho ku sugnaan doono laba maalmood oo keliya.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu soo gaaray Muqdisho shalay oo Axad ahayd danjire Maxamed Cali meerika oo ay u yeertay xukuumadda Soomaaliya si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan xarigga lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool.

Arrintan ugu weyn ee sababtay in xukuumadda Soomaaliya ay u yeerto safiirkeeda u jooga dalka Kenya ayaa ahayd markii ciidamada booliiska dalkaas ay saacado kooban xireen Jimcihii qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Xukuumadda iyo baarlamaanka Somalia ayaa arrintan si adag uga hadlay iyagoo sheegay inaysan u dulqaadanayn dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida, xarigii loo geystay Siyaad Maxamuud Shire uu yahay mid xad-gudub ku ah dublamaasiyadda  caalamka.

Dowladda Kenya oo ciidammo ay kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin xariga dublamaasiga Soomaaliyeed, iyadoo danjiruhu uu sheegay in warqad ay arrintan kaga cabanayaan ay u gudbiyeen wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya