4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Kooxda Chelsea oo ka Adkaatay Liverpool kaddib Ciyaar adag oo dhexmartay


Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Kulan xiiso badan oo ka tirsanaa horyaalka Ingiriiska ayaa galabta ku dhexmaray garoonka kubadda cagta Anfield kooxaha Liverpool oo mati loo ahaa iyo Chelsea, iyadoo kooxahan ay mid walba doonaysay inay badiso.

Kulanka ayaa ahaa mid ay inta badan kubadda haysashada Liverpool, balse qaladaad ay galeen ciyaartoyda Liverpool ayaa looga faa’iideystay, iyadoo kulanka ay ku adkaaday kooxda Chealse oo kaalinta labaad kaga jirta kala horeynta dhibacaha horyaalka Ingiriiska.

Daqiiqadii 47-aad ee qaybtii koowaad ee ciyaarta ayaa Chelsea ay heshay goolkeedii ugu horreeyay, iyadoo goolkan uu ku yimid qalad uu sameeyay Gerrard oo ah kabtanka Liverpool, waxaase ka faa’iideystay oo goolka dhaliyay Demba BA oo weerarka uga ciyaara Chelsea.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaantay 1-0, iyadoo markii qaybtii labaad la isugu soo laabtay ay kooxda Liverpool dadaal u gashay dhalinta goolka ay Chelsea ku bar-barayso; iyadoo gool-hayahka Chelsea uu ka difaacay kooxdiisa goolal laga dhalin lahaa.

Afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray kaddib markii 90-kii daqiiqo ay dhammaadeen ayaa waxaa kooxda Liverpool quusiyay xiddiga kooxda Chelsea, William kaasoo goolkii labaad u dhaliyay kooxdiisa.

Tababaraha Liverpool, Brendan Rodgers ayaa ciyaarta kaddib yiri: “Waan ka xumahay inaan guul-darreysanno, balse waxaan amaanayaa ciyaartoyda kooxda oo si wanaagsan u ciyaaray, waxayna soo bandhigeen ciyaar cajiib ah.”

Dhanka kale, tababaraha Chelsea oo hadlay ayaa isaguna qiray in kooxda Liverpool ay soo bandhigtay ciyaar aad u wanaagsan, balse ay ku faraxsan yihiin iyagu inay ka dhaliyeen laba gool.

Liverpool oo weli hoggaaminasa horyaalka Ingiriiska ayaa waxay leedahay 80-dhibcood, halka kooxda Chelsea oo kaalinta labaad ku jirta ay leedahay 78-dhibcood, halka ay kooxda Manchester City oo dadaal ugu jirta koobka ay iyaduna leedahay 77-dhibcood, iyadoo uu u dhiman yahay hal kulan oo aysan weli ciyaarin.

Guusha kooxda Chelsea ay galabta ka gaartay ciyaartii ay yeelatay Liverpool ayaa waxay faa’iido ugu jirtaa kooxda Manchester City oo lix dhibcood ay ka horreyso Liverpool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya