4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Somalia oo gaaray Dalka Tunisia (SAWIRRO)


Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Wafdi ay horkacayaan wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane ayaa gaaray magaalada Tunis ee xarunta dalka Tunisia, halkasoo si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo ay ka mid ahaayeen xubnaha soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Tuuniiisiya, Mongi Hamdi iyo xubno ka socda bangiga horumarinta Afrika.

Xubnaha wafdiga Soomaaliya ayaa waxay kulammo la yeelan doonaan sarakiisha bangiga horumarinta Afrika iyo wasiirro ka tirsan dowladda Tunisi, kulammadaas oo ay muhiimaddoodu tahay sidii dowladda Somalia ay u heli lahayd deeqaha bangigu ugu talo-galay iyo abuurista fursado maal-gashi oo shirkadaha Tunisia ay Somalia ka sameystaan.

Berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inuu kulan dhex-maro wasiirrada dowladda Somalia iyo madaxweynaha bangiga horumarinta Afrika, Donald Kaberuka iyadoo kulankaas lagu falan-qeyn doono baahida dowladda Soomaaliya ay u qabto helidda ballamadii maaliyadeed iyo mashaariic ee ku qotama horumarinta iyo dib u dhiska Somalia.

Waxaa la rajeynayaa in kulammada wafdiga dowladda Soomaaliya ay kula yeelanayaan wasiirrada ka tirsan Tunisia iyo madaxda bankiga  horumarinta Afrika ay ku dhammaadaan natiijo wax ku ool ah, iyadoo markaas kaddib ay wafdigaan u dhoofi doonaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Dalka Imaaraadka Carabta ayay wasiirrada arrimaha dibadda iyo maaliyadda waxay kaga qaybgeli doonaan shir looga hadlayo maal-gashiga Soomaaliya, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan madax kala duwan oo caalamka ka socota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya