4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Ciidan tababar looga furay Baydhabo iyo Mas’uuliyiin looga yeeray Muqdisho


Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol iyo guddoomiye ku xigeenka golaha guurtada, Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur ayaa maanta tababar uga furay magaalada Baydhabo boqolaal askari, iyagoo ugu baaqay ganacsatada iyo jaaliyadaha dibadda inay garab-istaagaan maamulka Koonfur-galbeed.

Wasirka arrimaha gudaha iyo amniga maamul Koonfur-galbeed ee lixda gobal ka kooban, C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa sheeegay in ciidamadan ay ka mid yihiin kuwa maamulka lana siin doono lacag ku filan. Isagoo seegay in ciidamada ay yihiin daraawiishta maamulka Koonfur-galbeed.

Ciidamadan ayaa tababarka looga furay fagaaraha xarunta ADC-da Baydhabo oo ah xaruntii lagu dhisay maamulka lixda gobol ka kooban ee Baydhabo lagu dhisay bilo ka hor.

Sidoo kale, warar hoose ayaa waxay sheegayaan in mas’iiliyiinta labada maamul ee Baydhabo lagu dhisay looga yeeray Muqdisho; iyagoo kulummo la qaadan doona madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.

Inkastoo wadahadallo dib u heshiisiineed ay wadeen ganacsato iyo aqoonyhanno reer Baydhabo ah ay noqdeen kuwo fashilmay; iyadoo maamulka uu hoggaaminayo Madoobe Nuunow ay diideen inay la fariistaan maamulka kale ee uu hoggaaminayo Maxamed Xaaji C/nuur oo ah ka kooban saddexda gobol.


Hiiraan Online, Baydhabo