4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Shirkii KULMIYE oo berri furmaya iyo xulista ergooyinka oo la isku khilaafay

Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Shirweynihii saddexaad ee xisbiga KULMIYE ayaa berri ka furmaya magaaladda Hargeysa,haseyeeshee shirweynahan waxa hadheeyey khilaaf ku salaysan ergooyinka ka soo qayb-galaya oo loo xulayo hab beeleed, iyadoo ergooyinkii loo sameeyey shax beelaha wadda dega Somaliland ka dhex muuqanayaan.

Nidaamka dimuqraadiyada ee ay Somaliland qaaday ayaa waxa dhibaato ku ah dhaqankii Soomaaliddu ay isku xukumi jireen iyo nidaamkan Dimuqraadiyadda, taas oo ay adagtahay in sidii saxda ahayd loo isticmaalo, taasina waxay keentay in Diintiii, dhaqanka iyo Dimuqraadiyaddii reer galbeedka laga soo minguureyey la iskugu dari lahaa si nimaad cusub oo la iskugu xukumo uga soo baxdo.

Sidaa darteed waxay Somaliland doonaysa inay isku dhafto Dimuqraadiyadan iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee la isku xukumi jiray, markasta oo talaabo kor loo qaadaba waxay carqalad ku noqda dhaqanka bulshadda.

Shirweynahan 3aad ee xisbiga KULMIYE ayaa waxa hadheeyey khilaafyo faro badan oo is wadda barkan, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la isku qabsado tartanka hogaanka sare, qaabka ergooyinka loo xulayo iyo ajandaha shirweynaha.

Haseyeeshee waxa xaal laga gaadhay khilaafkii hogaanka sare, waxaase mar kale khilaaf kale ka dilaacay qaabka loo xulayo ergooyinka, maadaama oo xisbigu yahay muxaafad, isla markaana la doonayo in aanu iska lumin taageerayaashiisa waxa lagu qancay in ergooyinka dib loogu celiyo reerihii, isla markaana reer kasta saamiga ay ku leeyihiin ergooyinka ay soo xulaan, taasina waxay meeshii ka saartay dimuqradiyadii iyo nidaamkii dhaqanka ee lahaa ha laga guuro.

Beelaha qaarkood ku qanci waayeen ergooyinka loo qoondeeyey oo qaadacay ka qaybgalan shirweynaha iyagoo saluugay saamiga loogu tallogalay beeshooda, sidoo kale waxa iyugna cabanaya haweenkii iyo dhalinyaraddii oo loo qorsheeyey inay beelahooda ku soo dabo faylaan, waxa kale oo iyagna qaylidu ka soo yeedhaysa ururadii doorashadii golaha deegaanka ku hadhay ee ku biiray xisbiga oo saami u gaar ah qoondaystay, haseyeeshee loo sheegay inay beelahoodda ka soo ansaxsadaan inay ergooyinka lagu soo daro.

Dhinaca kale, waxa iyaguna awooddii wasiirnimo ku doonay inay ergooyinkii reerahooda la siiyey ka faro maroojiyaan beelahoodii si ergooyin ay wadaan u keeni lahaayeen, taasina waxay keentay in siyaasiyiintii xisbiga ku jiray iyo wasiiradii xukuumada ku jiray is qabsadaan.

Khilaafyadan kala wajiyada duwan ee kulmiye ka dhex jira, ayaa keentay in masuuliyiinta qaarkood gacmaha iskula tagaan, tusaale ahaan wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo Toosiye waxa dhirbaaxo wajiga kaga dhuftay nin ay isku deegaan ka soo jeedo ka dib markii ay isku khilaafeen arrimaha ergooyinka, wasiirka Caaladda Xuseen Caydiid waxa isagana eeddo usoo jeediyey siyaasiyiin xisbiga kulmiye ah oo uu ergooyinkii ay wateen uu damcay inuu ka saaro, gudoomiyah guddida qabanqaabadda shirweynaha Abubakar Xaamud Jibriil ayaa muran dhalin gaadhay in la is faro saaro dhexmaray xildhibaano isku deegaan yihiin.

Murankan ka dhashay xulista Ergooyinka ayaa waxa ugu culus haweenka iyo dhalinyaradda oo beeluhu waxba u ogolayn, kuwaas oo ka cabanaya beelahooddii oo  ay sheegeen in aanay waxba u ogolayn, haseyeeshee guddida qabanqaabadda ayaa soo saaray go’aan ah in 15% beel kasta ergooyinkeedda ku soo daraan haween haddii kale aan liiska ergooyinkooda laga qabanayn, balse haweenka qaarkood ayaa sheegay in beelaha ay ka soo jeedaa qodobkaasi jabiyeen oo ay gudbiyeen liiskooda lagana saaray haweenka.

Si kastaba ha ahaatee, qaabkan ergooyinka shireynaha saddexaad kasoo qaybgalay ayaa dhallinyarada iyo haweenku si weyn u saluugsan yihiin, waxaana  maalmihii u dambeeyey hadheeyey muranka ka jira xaga ergooyinka  taasina waxay keentay in ciidan badan la keeno si ay muranka  iyo gacan ka hadalkaasi wax uga qabtaan.

Shirweynahan ayaa loo qorsheeyey in laba maalmood uu socdo, isla markaana ay ka qayb-gali doonaan ergooyin kor u dhaafay kun ergay iyo illa afar boqol oo marti sharaf ah.

Dadweynaha Somaliland ayaa isha ku haya qaabka uu u qabsoomo shirweynahan oo dhawr jeer oo hore dib u dhacay khilaaf ka dhex jira xisbigaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland