4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Kormeeray Saddex Wasaaradood


Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kormeer ku tagey saddex wasaaradood oo kala ah: Boostada iyo Isgaarsiinta, Tamarta iyo Biyaha iyo Macdanta iyo Batroolka, waxaana halkaas uu warbixinno kaga dhageystay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradahaas.

Mudane C/weli Sheekh ayaa intii uu kormeerkiisa ku guda jiray kulan dheer la qaatay wasiirrada iyo agaasimayaasha wasaaradaha, isagoo intaas kaddib ku tagay booqasho xafiisyada ay ku shaqeeyaan wasaaradahaas, isagoo shaqaalaha ka hawlgala ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

“Waxaan idinku amaanayaa sida aad u gudataan hawlaha Qaran ee la idiin xil-saaray. Waxaana la idinka sugayaa inaad la timaadaan is-beddel ka dhex-muuqda hawlaha xukuumadda sannadaha soo socda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiweli oo la hadlayay shaqaalaha wasaaradaha, isagoo intaas ku daray in sannadkan uu noqonayo sannadkii dib-u-dhiska dalka, isla markaana la doonayo kaalin muuqata inay ka qaataan saddexdan wasaaradood.

Kulanka markii uu soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Maxamed Ibraahim Aadan oo sheegay in ujeeddada booqashada ra’iisul wasaaraha ay tahay u kuur-galidda shaqada wasaaradaha.

“Booqashada ra’iisul wasaaruhu waxay ahayd si loo ogaado hawlaha ka socda halkan oo saddex wasaaradood deggen yihiin. Wax badan baa laga hadlay waxaana ugu muhiimsan in la adkeeyo ammaanka goobaha ay wasaaraduhu ku shaqeeyaan iyo in saddexda wasaaradood ay soo bandhigaan hawlaha ay dalka u hayaan. Waxaan ku wareejinnay ra’iisul wasaaraha buug weyn oo ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay qabtaan wasaaradahan,” ayuu yiri wasiirka boostada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Faarax Cabdi Xasan oo isna hadlay ayaa sheegay inay ra’iisul wasaaraha warbixin ka siiyeen hawlaha adag ee horyaalla wasaaraddooda iyo cabaqadaha hortaagan.

Booqashada uu ra’iisul wasaaruhu ku tagay qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda ayaa qayb ka ah hawlaha uu doonayo in kor loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya