4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Kooxo Hubeysan oo Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ku Toogtay Marko

Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose xarunta askari ka tirsan ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya.

Dilka askarigan ayaa ka dhacay xeebta magaalada Marka; waxaana fuliyay afar dhallinyaro ah oo bistoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo markii ay askariga dileen goobta ka baxsaday.

Ciidammo katirsan kuwa milateriga oo meesha uu dilka askariga ka dhacay ayaa sameeyay baaritaanno ay dad badan kusoo qab-qabteen, kuwaasoo xabsiga lagu xiray si baaritaanno loogu sameeyo.

Maamulka degmada Marko oo arrintan  ka hadlay ayaa sheegay in dilka askariga ay geysteen kooxo xiriir la leh Al-shabaab, lana soo qabqabtay dad badan oo lala xiriirinayo inay dilka ka dambeeyeen, balse baaritaanno lagu sameyn doono.

Askariga la dilay ayaa waxaa maydkiisa goobta ka qaaday ciidammo booliis ah oo goor-dambe soo gaaray, iyadoo xalaaddu degmada ay dib ugu soo laabtay sidii caadiga ahayd.

Degmada Marko ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii Xarakada Al-shabaab laga qabsaday sannado ka hor, iyadoo tan iyo markii degmadaas ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen ay ka dhacayeen falal dilal ah oo loo geystay dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilka askarigan Marko loogu geystay, marka laga soo hadal mas’uuliyiinta maamulka degmadaas oo ku eedeeyay dilka xoogag taabacsan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya