4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Wasaarada Waxbarashada oo soo bandhigay siyaasada waxbarashada dalka


Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Wasaaradda waxbarshada Somalia ayaa soo bandhigtay maanta siyaasadda iyo sharciga waxbarasho dalka, iyadoo kulanka lagu soo bandhigay waxbarashada dalka oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan dowladda Somalia, bahada waxbarashada, aqoonyahanno, xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah iyo xubno kale.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada ayay lagu soo bandhigay geeddi-socodka siyaasadda iyo tiirarka muhiimka u ah sharciyada waxbarashada dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka gudigga horumarinta adeegga bulshada baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Axmed Caabi Aadan oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaraddu ay guddigooda gacan ku siinayaan sidii qorshahan loo hor-geyn lahaa.

Wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta xukuumadda Soomaaliya, Ciise Maxamed Axmed (Guraase) oo kulanka ka hadlay ayaa baarlamaanka ka codsaday inay meel-mariyaan sharcigan ay wasaaraddu diyaarisay, si dalka loogu helo nidaam waxbarasho oo dhameysitran.

Sidoo kale, wasiiradda howlaha guud iyo dib u dhiska, Nadiifo Maxamed Cismaan ayaa sheegtay in wasaaraddu ay gacan ka geysanayso dhismaha goobihii waxbarashada ee ku bur-buray dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, si dib loo soo celiyo xarumihii waxbarasho ee sida lacag la’aanta ah ay dowladdu ugu adeegi jirtay bulshada.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed oo ugu dambeynt kulanka ka hadlay ayaa ku boorriyay mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada inay badiyaan talo-gelinta siyaasadda iyo sharciga waxbarashada dalka, isagoo xusay in waxbarashadu tahay furaha nolosha.

Wasaaradda waxbarashada ayaa dadaal ugu jirto sidii loo heli lahaa nidaam waxbarasho oo waafaqsan siyaasadda iyo sharciga waxbarasho ee Qaranka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya