4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Duqa Beledweyn oo ka hadllay biyo la'aanta ka jirta deegaannada G/Hiiraan


Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay jiraan dad haraad ugu dhimanaya deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud, ayaa markii ugu horeysay waxaa arrintaa ka hadllay Duqa degmada Beledweyne Cumar Aadan Ibraahi [Cumar Baadiyo] oo sheegay in ay ka hayaan arrinta biyo la'aanta ah, islamarkaana wadaan diyaar-garoow xoog leh oo ay doonayaan inay dadkaas ugu gurmadaan.

“Wuu nasoo gaaray warka ku saabsan in biyo la'aanta la soo daristay qoysaska ku dhaqan deegaanno hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, annaga ka maamul ahaa kulan deg deg ah ayaan arrintaa ka yeellanay waxaana socda diyaar-garoow ballaaran oo la doonayo in dadkaas biyo lagu gaarsiiyo.

Cumar Baadiyoow ayaa sheegay in reer miyiga uu soo food saaray jilaal adag kadib markii ay ka soo daaheen roobabkii xiliga ee la fillanayay, isaga oo intaa ku darray baaq iyo fariin uu u dirrayo hay'addaha samafalka iyo ganacsatada intaba.

“Waxaan ugu baaqeynaa hay'addaha samafalka iyo ganacsatada gobolka inay arrintan gacan weyn ka geystaan, waa waqtiga kaliya ee dadku isku baahan yahay, maamul iyo shacab intaba waa in laga wada qeyb-qaataan gurmadka dadkan loo fidinayo,'' ayuu yiri Duqa magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale, Baadiyoow ayaa faahfaahin ka siiyay HOL waxa uu ku saabsanaa kulan uu la qaatay guddoomiyayaasha afarta xaafadood ee magaalada Beledweyne isaga oo sheegay in ay ka wada hadlleen siddii wada shaqeyn buuxda u yeellan lahaayeen maamulka heer degmo iyo guddoomiyayaasha afarta xaafaddood ee magaalada Beledweyne.

“Maamulka sida aad la soctaan waa mid cusub oo dhawaan lasoo magacaabay, siddaa daraadeed waxaa uu kulanku ku saabsanaa siddii aan wada shaqeyn buuxda u yeellan laheyn  guddoomiyayaasha afarta xaafadood ee magaalada, runtiina wax yaabihii aan ka wada hadalnay oo dhan waan isku waafaqnay,'' ayuu yiri Duqa magaalada Beledweyne.

Waxaa kaloo uu sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in lagu soo celiyo bilicdii magaalada, gaar ahaan nadaafada oo  muhiimad gaar ah u leh soo celinta bilicda magaalada iyo caafimaadka bulshada.

Ugu danbeyntii waxaa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan afarta xaafadood inay si buuxda ula shaqeeyaan maamulka, madaama ay adag tahay in wax badan la qabto haddii aan gacan laga hellin shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya