4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Wejigii labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka oo Kismaayo ka furmay


Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose maanta si rasmi ah uga furmay wejigii labaad shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen shirkan guud ahaan beelaha dega gobollada Jubooyinka.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubba, wasiir kuxigeenno iyo xildhibaanno ka socday dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha gudiga shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka Mudane Cabdi Baaleey Xuseen.

Inaasi kadib ayaa waxa goobta ka hadlay salaaddiin iyo waxgarad kale sheegay in ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda deegaannada Jubbooyinka, waxayna goobta ka sheegeen in ay is cafiyeen.

Dadkii madasha ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa xildhibaanno ka tirsan dowaldda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo ku booriyay beelaha dega Jubooyinka in ay gacmaha is qabsadaan islamarkaana ay ka shaqeeyaan nabadda.

Madaxdii hadashay waxaa sidoo kale kamid ahaa ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Mudane Max’ed Ismaaciil Shuuriye ahna gudoomiyaha gudiga naadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubooyinka ee uu magacaabay Ra’isul wasaaraha dalka iyo wasiir kuxigeenka boostada iyo isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cali Salaad (Taako), waxayna labaduna bogaadiyeen dadaallad nabadeed ee ka soconayo Jubooyinka, iyagoo kula dardaarmay odoyaasha dhaqanka in ay ka shaqeen sidii bulshada loo fahansiin lahaa nabadda iyo dowladnimada.

Gabagabadii waxaa munaasibadda ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isagoo ugu hambalyeeyay odoyaal dhaqameedyadii kulanka soo xaadiray dadaallada lagu baadi goobayo nabadda ee ay ka wadaan gobolladan Jubooyinka.

Masuulkan ayaa sheegay in sababaha ay dib ugu dhigayeen dhameystirka maamulka Jubba ay kamid ahayd bal in marka hore ay beelah heshiiyaan, wuxuuna xusay  in la joogo xilligii la dhameystiri lahaa maamulka Jubba, isagoo intaa ku daray in sidoo kale lasoo xareyn doono ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn ee uu hogaamiyo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Shirkan ayaa ah wejigii labaad ee shirar dib u heshiisiineed oo qeyb ka ahaa go’aamadii kazoo baxay heshiisyadii ay dabayaaqadi  sanadii tagtay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya