4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Mareykanka oo codsaday in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee Somalia

Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, John Kerry oo dalka Itoobiya kaga qayb-galaya shir madaxeed ay leeyihiin madaxda Afrika ayaa wuxuu ra’iisul wasaaraha Itoobiya kala hadlay in laga kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

John Kerry ayaa xusay in madaxda Afrika ee ku kulansan magaalada Baxar-daar uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay tayeynta ciidanka AMISOM oo uu xusay inay xilligan shaqo adag ka hayaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Kerry ayaa madaxda uu la kulmay wuxuu u sheegay in xilligan ay muhiin tahay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga si ay u xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

“Waxaan danaynayno waa in la xoojiyo qorshaha nabad-raadinta Somalia taasoo gacan ka geysan karta xoojinta nabadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraysa,” ayuu yiri John Kerry.

Shirka madaxda Afrika oo maalintii labaad galay ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa amaanka Qaaradda Afrika, gaar ahaan dalal ay Somalia ka mid tahay iyo in la helo caqabadaha hortagaan nabada Afrika.

Hadalka Kerry ee ku aaddan kordhintaq ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM ayaa kusoo beegmaya iyadoo howlgallo dhawaan laga sameeyay gobollo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Al-sabaab looga qabsaday 10-degmo oo muhiim u ahaa.

Ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan oo tiradoodu ka badan tahay 22,000 oo askari ayaa ka socda lix waddan oo Afirkaan ah, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa dariska la ah Soomaaliya, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

John Kerry ma sheegin inta la gaarsiinayo tirade ciidamada AMSIOM ee Somalia ku sugan, sidoo kalena ma sheegin in Mareykanka uu gacan ka geysanayo sidii ciidamada dheeriga ah ee Soomaaliya la geynayo in dalalka ay ka imaanayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya