4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Dowladda Kenya oo looga digay beegsiga ay ku hayso dadka Soomaaliyeed

Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Shir ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota iyo madax ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa si adag loogu cambaareeyay xarigga lagu hayo Soomaalida ku nool Nairobi, kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay la kulmayay dhibaatooyin isugu jir-dil iyo tarxiil.

“Marka loo eego caalamka aan ku nool-nahay waxaan oo kale waa waali, mana ahan arrin la aqbali karo," ayuu yiri Jabriil Afyare o ka mid ah Somaalida halkaa ku nool gudduumiyana u ah ururka Somali Citizens League oo Mareykanka ka howlgala.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Minneapolis ayaa la isla soo hadal-qaaday in cadaallad lala tiigsado dowladda Kenya oo ku aadan habka ay ula dhaqantay kumanan qaxooti Soomliyeed ah, kuwaasoo kasoo cararay colaaadihii dalkoodi ka dhacay.

"Taariikhda adduunka sawirro noocaaan oo kale ah kumaynaan arag, waxaana arintan ay la mid tahay xasuuqii Holocaust," taarikhdu ma dib ayay u soo celin rabtaa arintas mar kale? "ayuu hadalkiisa ku daray Afyare oo tilmaamay in arimahan ay tacadiyo ku yihiin Soomaalida oo dhan.

Mas’uuliyiin ka tirsan labada xisbi ee dalka Maraykanka oo iyagana shirka ka soo qayb-galay ayaa ku tilmaamay dhibaatada Soomaalida lagu hayo kuwa argagax leh oo aan loo dul-qaadin ,iyagoo ku baaqay in xal la gaaro.

"Kenya waa dal ay ku nool-yihiin qowmiyado kala duwan maxey tahay sababta loo beegsanayo Soomalida  ,xafiiskayga in uu arinta ka hadlo kama laba-labayn doono "ayuu yiri Sentor Keith Ellison oo ballan qaaday in safiirka Kenya ee Maraykanka uu arintan kala hadli doono.

"Arintan waa argagax ,Kasarani magac maaha hadda waxaan ku tala jira inaan iska  ilaawo "ayey tiri "Karen Clark oo iyadana ka hadashay goobta, waxayna sheegtay in ay dadaal dheeri ah u gali doonto sidi loo baajin lahaa dhibaatada lagu hayo Soomaalida.

Ugu danbayntii Kenya ayaa ku andacoonaysa in raafkan  ay xal u arkaan kaddib falal aragagaxiso oo ka dhacay gudaha magaalada Nairobi, waxana jira boqolaal Soomali ah oo lagu hayo saldhigyada kala duwan ee ciidamada Kenya si loo soo tarxiilo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]