4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo Moqdisho looga yeeray

Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya ayaa soo gaaray maanta Muqdisho, isagoo sheegay in sababta uu yimid ay tahay sidii uu xukuumadda warbixin uga siin lahaa xariggii qunsulka safaaradda Somalia ee Kenya.

Danjire Maxamed Cali Nuur Amerika ayaa sidoo kale imaanshihiisa ku sheegay inay la xiriirto u yeeristii ay xukuumadda Soomaaliya u yeertay si ay wadatashi ugala yeeshaan howlgallada lagu qabqabanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kenya ku nool, gaar ahaan magaalada Niarobi.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad iyo mas'uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay safiirka garoonka diyaaradaha Xamar, iyadoo dajiruhu uu sheegay inuu Muqdisho ku sugnaan doono laba maalmood.

“Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka, si loogala tashado xariggii ay u geysteen ciidamada booliiska Kenya qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya iyo howlgallada lagu qabqabanayo Soomaalida ku nool Islii,”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda oo shir jaraa’id ay wada qabteen isaga iyo danijraha Soomaaliya ee Kenya.

Sidoo kale, danjire Ameerika ayaa isna dhankiisa waxaa uu mar kale muujiyay sida uu uga xun yahay tallaabada lagu xiray qunsulka  oo ku sheegay mid aysan u dulqaadanayn, kana hor-imaanaysa xeerarka dumbalaasiyadda caalamka.

“Kenya waa dala aan walaano nahay, waxaana uga maahdcelinaynaa ciidanka ay u soo dirtay Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM iyo marti-gelinta qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku sugan, balse uma dulqaadanayno dhibaatooyinka ay ku hayso Soomaaliya iyo xariggii qunsulka Soomaaliya,” ayuu yiri Ameerika.

Xukuumada Soomaaliya oo aan wali qaadin wax tallaabo ah ayaa ka dalbatay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya inay war cad ka keento, hase ahaatee wasaaradda ayaan wali iyana wax qoraal ah ama cabasho ah kasoo saarin.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shire ayaa muddo saddex saacadood ah waxaa xiray booliiska Kenya, kaddib markii gellinkii dambe ee Jimcihii ay gurigiisa ugu galeen ayna xireen isaga iyo xubno kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya