4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Xildhibaannada Baarlamaanka oo Maanta Su'aalo Weydiiyay Wasiirka Amniga


Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta hortagay baarlamaanka iyadoo su’aalo laga weydiiyay arrimo ku saabsan amniga oo ay ka mid yihiin: dilalkii dhawaan loo geystay xildhibaanno, dad lagu laayay deegaanka Muuri, weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday madaxtooyada, odayaashii lagu dilay Buur-hakaba, howlaha hay'adaha ammaanka iyo kuwo kale.

Markii uu shirku billowday ayuu wasiirku ka dalbaday guddoonka baarlamaanka in marka uu su’aalaha ka wajaabayo in dibadda loo saaro saxaafadda , laakiin taas waxaa diiday inta badan xildhibaannadii kulanka joogay, iyadoo guddoonkana uu go’aamiyay inuu jawaabta ku bixiyo saxaafadda horteeda.

Ugu horreyn; wasiirka ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsanayd weerarkii Al-shbaab ay ku qaadday madaxtooyada 21-kii Feberaayo sannadkan, isagoo sheegay in weli baaritaannadii weerarkaas ay socdaan , lana shaacin doono marka lasoo gaba-gabeeyo.

Sidoo kale, wasiirka oo ka jawaabayay su’aal labaad oo ku saabsanayd Amniga dalka ayaa xusay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay heleen hay’adaha amniga 8,559 xog oo gabi ahaan khatar ku ahaa amniga dalka, xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo shacabka.

“Xogahan 8559 ah ee ay hay'adaha amniga heleen, waxay ka howlgaleen 2,690 ka mid ah; kuwaasoo loo arkay inay xaqiiqo u ekaan karaan, iyadoo ay weli socoto baaritaanno lagu hayo 2,046-xog oo ka mid ah xogaha kusoo dhacday hay’adaha amniga. Sidoo kale, 434-xog oo ka mid ah waxaan la wadaagnay ciidamada xoogga dalka iyo AMSIOM,” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiirka ayaa ka dalbaday xildhibaannada inay u fududeeyaan hay’adaha amniga Qaranka howlahooda, sida inay ansixiyaan sharciga la dagaalanka argagaxisada oo la horkeeni doono baarlamaanka dhawaan.

“Waddankan wuxuu u baahan yahay sharciyo adaga oo dhinaca amniga ah, marka anigoo ka faa’iideysanaya fursaddan waxaan xidhibaannada sharafta leh weydiinayaa inay meel-mariyaan sharciga la dagaalanka argagaxisada oo la hor-keeni doono dhawaan,” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga Qaranka.

Su’aalo weydiinta wasiirka amniga Qaranka ayaa waxaa u harsan 29-xildhibaan, sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka lana soo gaba-gabeyn doono berri, iyadoo lagu wado in isla berri uu baarlamaanka horyimaado wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka si uu uga jawaabo qayb ka mid ah su’aalaha amniga dalka ku saabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya