4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Gabar Soomaliyeed oo uur leh oo kasoo dhacday dabaq ku yaala xaafada Islii

Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Gabar Soomaaliyeed oo uur leh ayaa kasoo dhacday xalay dabaqa saddexaad dhisme ku yaalla xaafada Islii ee Nairobi iyadoo isku dayaysay inay ka dhuumato ciidamada booliska Kenya oo saqdii dhexe ee xalay u garaacay guriga.

Gabadhan oo lagu magacaabo Nadiifo Cabdi ayaa doonaysay inay meel laabad ah uga dhuumato ciidamada, balse si lama filaan ah ayay ku dhacday, taasoo keentay in jug xoog leh ay ka gaarto dhabarka.

Hooyadan oo la hadlaysay BBC-da ayaa sheegtay sheegtay inay heysato kaarka qaxootiga, marar badan oo la qabtayna isku furdaamisay lacago, hase ahaatee xilliga saqda dhexe ee albaabka guriga loosoo garaacay aysan heysan wax lacag ah.

"Dabaqa saddexaad ayaa saarneyn, waxaa albaabka noosoo garaacay askarta, xilli saq dhexe ah oo aan hurudnay, albaabka ayaa fiiriyay waxaa arkay inay ciidammo yihiin, gabar ila jiiftay ayaa kasoo kiciyay, albaabka fur ayaa iri, anigana daaqada ayaa istaagay oo aan isku qarinayay, markaas kaddib daaqadii ayaa ila dhacday," ayay tiri Nadiifo.

Xabiibo Xasan Cumar oo habaryar u ah Nadiifo ayaa ku tilmaamtay arrin murugo iyo naxdin leh, waxayna iyadoo ooyaysa sheegtay in dhibaato ay tahay in qof xaamilo ah ay habeen saq dhexe kasoo dhacdo dabaq saddexaad.

Dhaqtarka la tacaalaya xaaladda caafimaad ee Nadiifo ayaa sheegay in dhabarka ay jug kasoo gaartay, isla markaana ilmaha uurka ku jiro aanay waxba gaarin, ayna fiican yihiin markii ay baaritaan ku sameeyeen.

"Markii baaritaan lagu sameeyay laf-dhabarta ayaa jug ka gaartay, daawooyin xanuun baabi'iye ah ayaa siinay raajana waa la saaray, uur afar bilood ah ayay leedahay; ilmaha waxba ma gaarin," ayuu yiri dhaqtarka dadweynaha Nadiifo.

Dhibaatooyinka ay Soomaalida u geystaan booliiska Kenya ayaa sii kordhayay tan iyo markii ay howlgallada ka billaabeen xaafadda Islii, iyadoo howlgalladan lagu xir-xiray boqollaal Soomaali ah oo qaarkood weli ku jira xabsiyada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya