4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo

Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Nabaddoon Aadan C/qaadir (Aadan Dheere) oo si weyn looga yaqaan Gedo ayaa xalay lagu dilay degmad Balad-xaawo oo ka tirsan gobolkaas, iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ku howlanaa qaboojinta xiisad ka taagnayd degmadaas oo u dhexeysay maamullada degmada Baladxaawo iyo kuwa degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Kooxaha dilkiisa geystay ayaa markiiba baxsaday, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka xalay loo geystay nabaddoon Aadan Dheere.

Maamulka degmada Beledxaawo ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii dilka ka nabaddoonka ka dambeeyay, waxaana ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen xaafadaha degmada howlgallo dad lagu soo qab-qabtay.

Dilalka loo geysto nabaddoonnada ayaa si weyn ugu soo kordhayay gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, iyadoo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa bilihii ugu dambeeyay lagu dilay laba nabaddoon oo can ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya