4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2014
Xukuumadda Soomaaliya u yeertay Danjiraha u Fadhiya Magaalada Nairobi

Axad, Abriil 27, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia oo ka jawaabaysa falkii ay booliiska Kenya ku xireen qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shire ayaa u yeertay safiirka iyo qunsulka inay si deg-deg ah Muqdisho u yimaadaan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareynayso tallaabadaas foosha xun, waxaana uu intaa ku daray in wax laga xumaado ay tahay in siyaasi Soomaaliyeed si xun loola dhaqmo.

"Xaritaas aad ayaa u cambaaareynaynaa golaha wasiirrada waa ka shireen, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa la faray inay war cad ka keenaan arrintaas sida ay ku dhacday," ayuu yiri Dhuxulow.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in si deg-deg loogu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Ameeriko iyo qunsulka, Siyaad Maxamuud Shire si wada-tashi loola sameeyo.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika ayaa falka lagu xiray qunusulka dhankiisa ku tilmaamay mid aad u fool oo ka baxsan sharciga dublamaasiyadda caalamka.

“Warqad cabsho ah oo arrintan ku saabsan ayaan u dirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, jawaab ayaana ka sugaynaa,” ayuu yiri dajire Ameerika oo intaa ku daray inay aadi doonaan Muqdisho ayna warbixin ka bixin doonaan xaaladaha ay Soomaalida Kenya ku sugan yihiin.

Xariga qunsulka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay tallaabo aad u fool xun, iyagoo xukuumadda ka dalbaday inay qoraal ay arrintan kaga cabanayso u dirto dowladda Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya