4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Gollaha Wasiirrada oo Isku raacay in la Furo Waddooyinka xiran ee Muqdisho


Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn kaasoo uu shir guddoominayay wasiirka Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Maxamed Xirsi.

Kulanka ayaa looga hadlay waddooyinka xiran ee Muqdisho, xarigga loo geysanayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi iyo xariggii loo gaystay qunsulka safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Wasaaradaha gaadiidka cirka iyo dhulka, howlaha guud iyo dib u dhiska iyo amniga Qaranka ayaa golaha u soo jeediyay inay dhibaatooyin kala kulmaan shacabka kala qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee xiran, waxaana golaha wasiirradu isku raaceen in la furo waddooyinkaas marka laga reebo waddooyinka qaar oo laga sugayo in wasaaradda Amnigu talo ka bixiso sida ugu habboon ee loo furayo.

Sidoo kale, golaha wasiirada ayaa dood ka yeeshay xariggii qunsulka safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shire oo xalay ay ciidanka amniga Kenya xireen, waxaana goluhu isku raacay xarigga siyaasiga iyo dhibaatooyinka kale ee dadka Soomaaliyeed kala kulmaan dalka Kenya inay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya war cad kasoo saarto.

Kulanka ay galabta yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Somalia ayaa wuxuu ujeedkiisu ahaa in la tix-galiyo cabashooyinka shacabku ay ka muujiyeen jidadka sida gaarka loo xiranayo oo kusoo kordhaya Muqdisho. iyo dhibaatooyinka ay kala kulmeen ciidamada Kenya shacabka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya