4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Baarlamaanka oo ka hadlay xariga Qunsulka Safaaradda Somalia ee Kanya

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay xariga lagu hayo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi, gaar ahaan xarig shalay oo Jimco ah loo geystay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, Siyaad Maxamuud Shire oo shan saacadood u xirnaa ciidamada Kenya.

Xarigga qusulka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Kenya ay ugu galeen guriga uu ka daggan yahay magaalada Nairobi, ayna xireen isaga iyo dhowr qof oo kale oo guriga la joogay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku tilmaamay xariga qunsulka iyo in gurigiisa loo dhaco weerar xad-gudub ku ah sharciyada dublamaasiyiinta caalamka, gaar ahaan kan Soomaaliya.

“Ma aqbalayno weerarada noocan oo kale ahee ay geysanayaan ciidamada booliiska Kenya. Waxaan xukuumadda Soomaaliya ugu baaqayaa inay warqad u qorto Kenya ayna weydiiso sababta arrintan ay u dhacday,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in baarlamaanka Kenya ay ogaadaan in howlgallada ay ciidamada Kenya ku xirxirayaan dadka isir ahaan Soomaalida ah ay tahay mid xuquuqda insaanka ka baxsan.

“Ma doonayno inaan hoos ugu daadago xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, balse waxaan doonaynaa in sharraxaad laga bixiyo falalka lagu beegsanayo dadka Soomaaliyeed,” ayuu Jawaari hadalkiisa ku daray.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa la sii daayay fiidnimadii xalay oo Jimco ahayd, waxaana sii dayntiisu ay ku timid dadaallo uu sameeyay danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Ameerika.

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo horraantii bishan ka socday howlgallo lagu qab-qabanayo dadka Soomaaliyeed ee magaaladaas ku nool, gaar ahaan xaafadda Islii oo ay Soomaalidu degto, kaddib qaraxyo khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Nairobi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya