4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Dhakhaatiirta ka howlgala Puntland oo lagu amaray inay Is-diiwaan-geliyaan

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta amar ku siisay dhakhaatiirta ka howla deegaannada Puntland in ay 20 maalmood gudahood isku diiwaan-geliyaan.

Wasiirka caafimaadka Puntland, Saadaq Eenow ayaa amarkan cusub u akhriyay maanta saxaafadda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dhakhaatiirtu iska diiwaan-geliyaan xafiisyada ururka dhakhaatiirta Puntland ay ku leeyihiin dhamaan deegaannada ay Puntland ka arrimiso.

Wuxuu intaas ku daray inaan la qaban doonin waraaqaha diiwaan-gelinta wixii ka dambeeya 20-ka maalmood ee la qabtay oo ka billaabanaysa maanta oo ay 26 ku beegan tahay bisha Abriil.

"Ururka dhakhaatiirta waxay qoraalka diiwaan-gelinta u soo gudbinayaan xarunta wasaaradda caafimaadka si loo siiyo dhakhaatiirta is-diiwaan-geliyay ogolaansho ay ku shaqaynsan karaan, kaddib marka la hubiyo khibraddooda dhakhtarnimo," ayuu yiri wasiirka caafimaadka Puntland.

Sidoo kale, wasiirka caafimaadka ayaa goor sii horreysay sheegay inay ka go'an tahay sidii wax looga qaban lahaa dhakhaatiirta sida beenta ah uga shaqaysanaya deegaannada Puntland, iyadoo dhawaan laga musaafuriyay Puntland ruux Kenyan ah oo in mudo ah ku shaqaysanayay dhakhtarnimo.

Ururka dhakhaatiirta Puntland ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan baahiyaha caafimaad ee ka jira Puntland; iyadoo xusay inay si gaar ah xoogga saari doonaan wax u qabashada xilliga dhalmada hooyooyinka uurka leh.

Amarka wasaaradda caafimaadka Puntland ee ku aaddan inay labaatan casho isku diiwaan-geliyaan dhakhaatiirta ka howlgala Puntland ayaa ah kii ugu horreeyay oo uu maamulku soo saaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya