4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2014
Gaas oo ka qaybgalaya shirka amniga Afrika ee Itoobiya ka furmay+SAWIRRO


Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) - Magaalada Bahar-Dar ee dalka Ethiopia waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirkii looga hadlaayey arrimaha amaanka ee dalalka Africa, shirkaasi oo ay ka qayb galayaan madaxda ugu saraysa dalalka Africa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Max'ed Cali Gaas ayaa ka mid ah madaxda Africa ee shirkaasi ka qayb gashay, wuxuuna Madaxweyne Gaas maalinta berri ah uu shirkaasi ka jeedin doonaa khudbad tariikhi ah oo salka ku haysa amaanka dalalka Africa iyo qaabka loo tayan karo.
           
Shirkaas waxaa sidoo kale ka qayb galaya Madaxweynayaasha Dalalka Sudan,Uganda, Kenya iyo dalal kale oo fara badan, kuwaas ka dhiibandoona afkaarta ay ka qabaan qaabka loo miisaami karo wax ka qabashada ammaanka dalalka Africa.

Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo dhowr ah kuwaas oo la doonayo in lagu xoojiyo  amaanka dalalka Africa, wuxuuna soo dhamaan doonaa maalinta berri ah iyadoo ay harsan yihiin khudbado kale oo dheeraad ah oo ay soo jeedin doonaan maaxda shirkaasi ka qayb galaysa oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabd-weli Max'ed Cali Gaas.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo,Soomaaliya