4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Hoggaamiyeyaasha Afrika oo Kulan looga Hadlayo Ammaanka ku leh Itoobiya

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo xubno ka kala socda dalalka caalamka qaarkood ayaa shir looga hadlayo ammaanka wuxuu maanta uga furmay magaalada Baxar-daar ee dalka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo madaxda kulankan ka qayb-galaya la hadlay ayaa sheegay in kulanka si gaar ah looga hadli doono ammaanka iyo xasilloonida Qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Geeska Afrika oo ay Somalia ku jirto.

Wufuud ka socda beesha caalamka iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa shirkan ka qayb-galaya, waxayna ka hadli doonaan caqabadaha dhinaca ammaanka ah ee ka jira Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulanka ka qayb-gali doona, sida ay sheegtay warbaahinta Itoobiya, iyadoo lagu wado inuu ka warbixin ka dhiibo xaaladaha ammaan ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM oo ka socda lix dal oo ay ka mid tahay Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan ayaa waxay dhawaan deegaanno dhowr ah kala wareegeen Al-shabaab.

Goobaha Al-shabaab laga qabsaday ayaa waxaa ka mid ah degmada Buulo-burte oo ahayd xaruntooda ugu weyn ee gobolka Hiiraan, degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, Xudur iyo Waajid oo gobolka Bakool ka tirsan, Qoryoolay ee gobolka Shabeellada Hoose ah iyo deegaanno kale.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay sheegeen dhowr jeer oo hore in sannadkan 2014-ka uu noqonayo sannadkii Al-shabaab laga saari lahaa dalka oo dhan.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno ku yaalla gobollada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, iyadoo ka fulisa Muqdisho dilal, iyagoo sheegtay dilal loo geystay dhawaan laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya