4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Haweenka Gobollada Jubbooyinka oo isugu yimid kulan nabadeed (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Kulan qeyb ka ah kulammada dib u heshiisiineed oo ka socday muddooyinkii u dambeeyay magaalada Kismaayo, kuwaasoo ay ku wada hadlayeen beelaha wada dega Jubooyinka ayaa maanta ka dhacay Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo, iyadoo kulankii maanta la isugu keenay qaar kamid ah haweenka dega Jubooyinka, kuwaaso ka socday beelo ay hore xurgufi u dhexmartay.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Ugaas Cumar Xiireey iyo Ugaas Cabdi Warsame Gurux, waxayna labaduba si wadajir ah kula dardaarmeen haweenka in ay ka shaqeeyaan nabadda islamarkaana bulshada ay ku wacyigeliyaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen nabadda iyo horumarka.

Qaar kamid ah haweenkii ayaa ku baaqay in la iska ilaabo waxyaalihii hore u dhacay, iyadoona guud ahaan haweenkii goobtaasi isugu yimid ay muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay u taageersanyihiin hannaanka nabadeed ee ra’isul wasaaraha dalka ka bilaabay Jubooyinka, waxayna ballan qaadeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan nabadda deegaanada Jubooyinka.

Haweenkii iyaguna goobta ka hadlay ayaa dhankooda ballan qaaday sheegay in maanta laga bilaabo ay ka shaqeyn doonaan sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen beelaha wada dega Jubooyinka, iyagoona uga mahadceliyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya dadaallada nabadeed ee uu ka furay Jubooyinka.

Gabagabadii waxaa goobta ka hadlay wasiir kuxigeenka boostada iyo isgaarsiinta dowladda federaalka Somaaliya Axmed Cali Salaad Taako, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay shacabka iyo maamulka Jubbaland, isagoo ku baaqay in dadka ku dhaqan Jubooyinka ay ka shaqeeyaan nabadda isla markaana hal dhinac uga soo wada jeestaan cidii caqabad ku ah nabadda.

Kulan kan lamid ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxa isugu yimid odoyaal dhaqameed, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka socday qaar kamid ah beelaha dega Jubooyinka, waxayna kulankaasi ku shaaciyeen in ay iska cafiyeen colaadihii hore u dhexmaray iyagoona ballan qaaday in ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya