4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Shacabka Somaliland oo maanta u dareeray Salaadii Roob doonka (SAWIRRO)


Sabti, Abriil,26 2014 (HOL)- Dadweynaha Somaliland, ayaa maanta u dareeray salaad Roob doon ah oo ilaahay ku baryeyaan inuu Roob khayr qaba oo lagu qaboobo inoo Da'o.

Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa maanta ku tukanayey goobo kala duwan oo loo asteeyey, waxaana kala qaybgallay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, halka madaxweynaha Somaliland dadweynaha reer Berbera kula tukaday.

 "Maanta waxaa aynu walaalayaal isagu soo baxnay in aanaan ilaahay aan barino sunihii nabi Maxamedna aan raacno maanta oo kale ama xiligan oo kale marka uu roobku raago, waxaa nabi Muxamed (SCW) inoo jideeyey inaynu isu soo baxno oo salad Roobdoon la'yidhaahdo aan tukano salaada ciida ayey u eeg tahay sida aad arkeyseen baynu u tukanaynay "ayuu yidhi wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sheekh KHaliil Axmed oo dadweyne faro badan kula tukanayey garoonka Stadium ee magaaladda Hargeysa .

Madaxweyne Ku Xigeenka Md:Cabdiraxmaan Saylici oo ayaa isna garoonka weyn ee 31-ka May kula tukaday dadweyne aad u tira badan kula tukaday, waxaanu dadweynaha usoo jeediyey inay is cafiyaaan si naxariista Eebe inoogu timaaddo.

"Kulaylka iyo roob laaanta ina haysa waad wada dareen santihiin bal maanta Hargeysa ayeynu joognaa Kulayka iyo dhibta ina wada haysa aad wada dareen santihiin waxaa laynooga baahan yahay in aynu is cafino oo caloosheena wanaajino in xasadka iyo xumaanta ninba ninka kale uu jiidanaayo ee maanta ninkiiba walaalkii waxa wanaagsan u ogaaan la'yahay inaan iska dhaafno, dadku marka ay isku uur fayoobaadaan ayaa iyagana ilaahay u naxariistaa ilaahay waxaa uu yidhi waxaan umada ku
arsaaqaa niyadooda hadii niyadoodu wada wanaagsanaato ilaahay arsaaqadana waa uu inoo kordhini cirka iyo dhulkana barkadiisa ilaahay waa uu ina siinayaa"ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Saylici oo salaaddii Roob doonta ka dib la hadlayey dadweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isna dadweynaha reer Berbera kula tukaday salaadii Roob doonta. Madaxweynaha Somalilamd Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  oo la hadlayey Dadweynaha Reer Berbera ayaa illaahay ka baryay in roob degdeg ah inoo shubo waxaanu hoosta ka xariiqay in bulshada Somaliland ay tahay bulsho xoolo dhaqato iyo beeralay ah oo baahi weyn u qabto roobka, waxaanu ilaahay u beryey inuu roob qaboojiya inoo keenno.

"Waxaan Illaahay ka baryayaa inuu ducadeena aqbalo waxaynu nahay dad xoolo dhaqato ah oo roobka baahi weyn u qaba" ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey inay haboontahay in ilaahay la baryo si Roob iyo naxarista Eebe inoo keenno.

Dhamaan goboladda iyo degmooyinka Somaliland ayaa laga oogay salaaddii Roob doonta, iyadoo dadweynaha ilaahay baryeyeen inuu Roob khayr qaba siiyo, waxaana dhamaan la fasaxay shaqaalihii dawladda iyo Ardaydii waxbarashadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland