4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Kulanlagu tagaageerayo joojinta Khad-ka ee UK oo ka dhacay Leicester.

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) - Galabnimadii Khamiista waxaa ka dhacay magaalada Leicester kulan balaaran u lagu taageerayo joojinta qaadka ee wadankan Britain. Dhamaan qeybaha bulshada oo isugu jira Culumada diinta, dhalinyaro, haween, iyo odoyaal ayaa si  qiira leh ugu buujiyey dareenkooda ku aadan joojinta qaadka.

Dhamaan dadkii ka hadlay waxay tibaaxeen dhibta qaadku ku hayo bulshada. Kulankan oo uu marti sharaf ka ahaa Abuukar Cawaale oo ku caan baxay dadaalkii uu u galay joojinta qaadka ayaa sharaxaaad ka bixiyey halgankii loo soo galay joojinta qaadka. Wuxuu ku booriyey bulshada in wali loo baahan yahay in taagrada la sii wado madaama ay jiraan siyaasiyiin u ololeeynaya in qaadka aan la joojin oo doodanaya in beeraleyda Kenya dhaqaale daro soo gaarin. Wuxuu ku taliyey in siyaasiyiintaas laga dhaadhiciyo dhibaatada qaadka ku hayo bulashada Britain oo ah kuwa aygu doorta siyaasiyiintan iskan dhaafaan u xusul duubka iyo tagaarida beerlayeda Kenya. 

Bulshada Leicester ayaa gudoonsiisay Abukar Cawaale shahaado sharaf uguna mahadcelisay dadaalkiisa kuna boorisay inuu halkaa ka siiwado dadaalkiisa.

Dad badan ayaa hadalo qiimo leh madasha kasoo jeedisay oo ka mid ahaayeen; Sh Ismaaciil Maxamed Faarax, Maxamed Cabdulaahi Cartan, Cabdikayf Faarax, Dr. Takkar, Sh. Cabdalla. Dhamaantood waxay aad ugu hadleen dhibaatada qaadka ku hayo bulshada Soomaaliyeed kuna booryeen bulshoweynta Soomaaliyeed inay meel uga soo wadajeestaan halkanka loogu jiro joojinta qaadka. Waxaa kasoo qeybgalay kulanka haydaha booliska iyo caafimaadka. Branaamijka waxaa daadihinayey Cabdishakuur Tarax.

Hashim Duale, UK
[email protected]