4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Dad haraad ugu dhintay deegaano hoostaga gobollada Hiiraan iyo Galguduud


Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Inta la xaqiijinayo illaa afar ruux oo ay carruur ka mid yihiin ayaa haraad ugu geeriyootay deegaanno hoos-taga gobollada Hiiraan iyo Galguduud, kadib biyo laa'aan darran oo soo food saartay  dadka xoolo dhaqatada u badan ee ku nool deegaannadaas.

Meelaha ugu sii darran ee biyo la'aantu saameynta adag ku yeellatay ayaa waxaa  ka mid ay deegaanno hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan oo lagu waramayo in dadka iyo duunyada ku nool dhibaato ba'an ku qabaan biyo la'aanta la soo la daristay.

Madaxa ururka midowgga dhalinyarrada gobollka Hiiraan Max'ed C/llaahi Buraalle Raaxeeye oo ay wehliyaan xubno ka tirsan ururka oo booqday deegaannada biyo la'aanta laga soo sheegayo  ayaa HOL faah faahin buuxda ka siiyay xaalada dadkii uu la kulmay iyo waxa  ay ku soo arkeen deegaannadii ay tageen.

''Warkan ku saabsan biyo la'aanta markii uu na soo gaaray waxaan goosanay bal aan aan soo eegno xaalada, Annaga oo horay u sii kaxeysanay labo booyadood oo biyo ah, waxaan u tagnay dad iyo duunyo is dhax fadhiya oo meel ay ciirsadaan la', haraad darranna uu la soo darsay, waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ahaa in dadka iyo duunyada isku si biyaha ay u soo wada beegsadeen markii ay Idhaha ka qaadeen, taasoo kuu muujineysa halka ay xaaladu gaarsiisan tahay,'' ayuu yiri Max'ed C/llaahi Buuraale.

Deegaannada ay booqdeen ayuu sheegay in ay ku yaallaan galbeedka degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in wax  laga naxo aheyd markii ay arkeen  Hooyo Umushay oo haddana loo waayay wax biyo ah oo la siiyo.

''Wax yaabaha aan soo aragnay waxaa ka mid ahaa hooyo umashay oo iskaba daa biyo isticmaasho e' xitaa loo waayay wax ay cabto,'' ayuu yiri Raaxeeye.

Dadka reer miyiga ah ayaa marka aad la sheekeysato u sababeynaya arrintan biyo la'aanta  roobabkii oo ka soo dib dhacay waqtigii la fillayay iyo baraagihii biyaha oo dhamaantoodba guray.

''Marka ay xaaladahan oo kale nala soo darsaan xoolaha ayaan u baxsan jirnay oo qaar ka mid ah inta aan iibino soo siisan jirnay booyado biyo si aan ugu badbaadino dadka iyo duunayada inta hartan, laakiin hadda xoolaha naf badan malaha, waa xoolo jilaal jooga cid kaa iibsaneysa malaha, sidaa daraadeed xaaladu aad ayeey noogu xun tahay,'' ayuu yiri Barkhad oo ka mid ah dadka ku nool mid ka mid ah deegaannada biyo la'aantu ka jirto.

Max'ed C/llaahi Buuraalle ayaa ugu baaqay maamulka gobolka, hay'addaha samafalka, ganacsatada iyo jaaliyadaha dibada in ay u soo gurmadaan dadka dhibaateysan, isaga oo sheegay in haddii ay xaalada sidan iska sii ahaato  laga yaabo in tiro kale oo dad ah haraad u dhintaan.

Biyaha oo ah qeybta ugu muhiimsan marka la eego nolasha Aadanaha, ayaa haddana dhinaca kale dadka reer miyiga ah waxaa la oran karaa waa kuwo dad iyo duunyaba ku xirran isticmaalka baraagaha iyo waraha biyo- gallaanka ah marka ay roobabka da'aan kuwaa oo haddii  ay guraan xaaladu halis gaarto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya