4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Wasiirka Amniga oo sheegay in Isbaarooyin laga qaaday Deegaanno badan

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ay ku guulaysteen inay  ka qaadaan isbaarooyin lacago sharci-darro ah lagu qaado dadka shacabka ah.

C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuu sheegay in howshan ay tahay dowladdu ay ku doonayso inay ku dhabar-goyso isbaarooyinka, isagoo xusay in maamullada la magacaabay ee gobolka Banaadir ay ka rajeynayaan inay waxqabad muuqda la yimaadaan.

Wasiirka oo si aad ah uga hadlay isbaarooyinka sharci-darrada ah oo ay kooxa  hubaysan dhigteen waddada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Walaweeyn oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in la baabi’in doono.

“Kooxaha isbaarooyinka dhigta waa kuwo qowlaysato ah oo doonaya inay dadka ku safraya waddooyinkaas ka qaadaan lacago baad ah, innaguna taas ayaan ka soo horjeednaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Qaranka.

Sidoo kale, wuxuu tlmaamay in ciidamada qalabka sida ee Somjalia ay howlgal ka sameeyeen gobolka Shabeellada Hoose oo uu sheegay inay isbaarooyin aad u badan yaallaan, ayna socdaan howlgallada lagu qaadayo.

Wasiirka ayaa ku amaanay ciidamada ku howlan qaadista isbaarooyinka howsha ay wadaan, isagoo ku hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii lagu arko iyadoo dhiganaysa jid-gooyo.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidammo ka tirsan nabadsugidda dowladda iyo kuwo milateri ah ay ku dagaalamayeen maalmahaan isbaarooyin yaalla deegaanka Buufoow ee gobolka Shabeellada Hoose, taasoo ay diideen ciidamada milateriga ah in goobta laga qaado.

Dagaallada ciidamadan dhexmaray ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda u dhexeysa ciidamada doonaya inay isbaarada ay ka qaadaan deegaankaas iyo kuwa milateriga ee diiddan in isbaaradaas la qaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya