4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Suudaan


Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Khartuum ee xarunta dalka Sudan, halkaasoo uu kulamo kula qaadan doono dhiggiisa dalkaas.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum kusoo dhaweeyay xalay saraakiil ka tirsan xukuumadda Sudan iyo madaxda safaaradda Somalia ee Khartuum, waxaana wafdiga wasiirka la dajiyay mid ka mid ah Hotellada ugu waa-weyn caasimadda Suudaan.

Maxamed Sheekh oo la hadlay warfidiyeennada ayaa sheegay in booqashadiisa Suudaan ay la xiriirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo xusay in casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Suudaan.

“Waxaa casuumaad ka helay wasiirka gaashaandhigga Suudaan Cabdiraxiin Maxamuud Xuseen, waxaana kala hadli doonnaa arrimo badan oo quseeya xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ay wada-shaqeyn u dhexmari lahayd,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in booqashada uu ku jooga Khartuum ay qaadan doonto muddo afar maalmood ah. Muddadaasna uu kulammo la qaadan doono madaxda ciidamada dalkaas.

Booqashadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dowladda  federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay u dhisi lahayd ciidamadeeda qalabka sida, iyadoo la kaashanaysa dalalka ay saaxiibbada yihiin iyo kuwa kale ee ay deeqaha ka hesho.

Somalia ayaa waxaa haatan ku sugan ciidammo ka socda lix dal oo Afrikaan ah, kuwasoo dowladda Soomaaliya ka taageeraya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab oo kasoo horjeeda jirtaanka dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya