4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Cudurka duumada oo ku xoogeysanaya deegaanada Puntland dadna ku dilay

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Deegaannada Puntland ayaa waxaa ku kordhaya cudurka duumada ama mallaariyada, iyadoo ku dishay toddoba ruux sida uu BBC-da u sheegay madaxa mashruuca duumada Putland, Dr. Cabdikariin Xuseen Xasan.

Dr. C/kariin ayaa sheegay in sannadkii lasoo dhaafay laga helay cudurkan dad gaaraya 12,000 oo qof oo shacab ah. Kuwaasoo qaarkood la daweeyay, isagoo xusay inay jiraan wacyi-gellinno ay warbaahinta u marsiiyeen shacabka si ay u yimaadaan goobaha caafimaadka.

“Degmada Boosaaso oo ka mid ah degmooyinka aan horay looga aqoon cudurka mallaariyada ayaa si aad ah ugu badatay, taasna waxaa sabab u ah dad badan oo ka yimid dalalka dariska iyo Koonfurta Soomaaliya,” ayuu yiri mas’uulkan.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in dadka lagu baaro goobo caafimaad oo ay u diyaariyeen, iyadoo qofkii laga helo cudurka la siinayo dawo, haddii xaaladdiisa ay kasii dartana la seexinayo isbitaallada waaweyn inta uu ka caafimaadayo.

“Marka cudurka ay dareemaan waxay billaabeen inay yimaadaan isbitaalada si baaritaan loogu sameeyo, qofka marka laga helo waxaa la siiyaa dawo saddex maalmood soconaysa,” ayuu yiri Dr. C/kariin Xuseen.

Hadalka mas’uulkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay oo bishan ay ahayd 25 laga xusay dunida oo dhan cudurka duumada oo sababa dhimashada dad aad u badan sannad walba.

Saraakiil u hadlay hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in sannadkii hore laga badbaadiyay cudurkan 3.3 milyan oo qof oo caalamka oo dhan ku nool, ayna socdaan dadaallo lagu yareynayo dhimashada uu cudurkan sababo.

Cudurka duumada oo ay keento kaneecada ayaa dhibaato xooggan ku haya dadka ku nool dalalka saxaaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, iyadoo la sheego in cudurkan uu ku badan yahay meelaha ay wabiyadu maraan oo ay ku taranto kaneecada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya