4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Biyo la’aan laga soo Sheegayo Gobollada Dhexe, Puntland iyo Somalialnd

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Biyo la’aan xooggan ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, iyadoo la sheegay in dad ay u dhinteen harraad.

Maxamed Aadan Rooble oo ka mid ah odayaasha degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in toddoba qof ay u dhinteen biyo la’aan, isagoo sheegay in dadka dhintay hal nin mooyee ay inta kale ay ahaayeen haween iyo caruur.

“Deegaannada ay biyo la’aantu ka jirto waxaa ka mid ah kuwo ka fog degmada Guriceel, waxaana geynay biyo si dadkaas harraadka looga biyo, waxaana dadka dhintay ku dhintay ku jirtay hooyo umul ah iyo cunug ay dhashay oo biyo la’aan u dhintay,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale, odaygan ayaa sheegay in abaarta oo daba dheeraad awgeed ay biyo la’aantan keentay, isagoo xusay in baraagihii biyaha lagu kaysan jiranay ay gabi ahaantood gureen.

“Xoolaha aad ayay u dhammaanayaan mana jirto cid is-weydiinaysa waxaan ku jirnaa sidii aan dadka u badbaadin lahayn,” ayuu Rooble hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in deegaannada ku dhow magaalooyinka waaweyn ay xaaladoodu wanaagsan tahay.

Dhanka kale, mas’uul u hadlay maamulka Somaliland ayaa sina u sheegay BBC-da inay biyo la’aan xooggan ka jirto deegaanno ka tirsan Somaliland, kuwaasoo ay ka mid tahay degmada Laasacaanood oo biyaha looga soo dhaamiyo meelo aad uga fog.

Mas’uulkan u hadlay Somaliland ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay dadka ku gaarsiinayaan biyo ay cabaan, isagoo xusay in deegaannada ay biyo la’aantu ka jirto ay aad u ballaaran yihiin.

Puntland ayaa iyadana laga soo sheegayaa biyo la’aan aad u xooggan, iyadoo ay jiraan deegaanno biyo la’aantu fara ba’an ku hayso, inkastoo aysan jirin dad ugu dhintay harraad.

Maanta ayaa waxaa deegaanno ka tirsan bartamaha Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland waxaa isagu soo baxay dad roob-doon ah, kuwaasoo Alle ka baryayay inuu roob u keeno.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya