4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Jabuuti oo isu diyaarinaysa Qabashada shir looga hadlayo Internet-ka Afrika

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa diyaar-garow ballaaran ugu jirta marti-galinta shirka lagu magacaabo Africa Internet Summit(AIS),kaasi oo looga hadli doono arimo badan oo la xiriira horumarinta iyo isku xirka xagga isgaarsiinta ee dalalka Afrika oo dhan.

Waxaa lagu wada in shirka uu dhaco bisha shanaad 25-teeda  isaga oo socon doona  ilaa iyo  lixda bisha lixaad ee sanadkan sidaa waxaa warbaahinta u sheegay wasiirka isgaarsiinta Jabuuti oo la hadlyay warbaahinta ,isagoo xusay in madax badan  ay ka soo qayb-gali doonaan.

"Bil ka hor shirka waa inaan sii diyaar-garownaa hadda ,waxaa socda kulamada aan la yeelaynayo guddiyo kala duwan oo ka  qayb-qaadaynaya diyaarinta dhacdadan "ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta ee Jabuuti.

Xog-hayaha wasaaradda Isgaarisiinta Maxamed Ibraahim Axmed ayaa isna sheegay in shirka uu cadayn u yahay heerka Jabuuti ay ka taagantahay in la horumariyo Isgaarsiinta gobolka oo dhan ,iyadoo si isku wada mid ah looga faa'idaysanayo

"Waan inaan muujinnaa  awoodda Afrika ee arintan gaar ahaan dhinaca tiknoolajiyadda Internetka si kaalinteena ay u ahaato mid muuqata xilli walba "ayuu yiri agaasimaha shirkadda Djibouti Telecom oo ka hadlayay waxtarka kulankan dhawaan dhici doona.

Shirkan waxaa wax ka abaabulaya shirkado qaabilsan xagga horumarinta tiknoolajiyadda Afrika oo ay kamid yihiin African Network Operators(AFNOG) iyo African Network of Information Center (AFRINIC) si loo hubiyo doorka  Afrika ee dhinaca Internet-ka.

Ugu danbayntii sanadkan ayaa la qaban doonaa shirkan ,iyadoo guulo muhiim ah laga gaaray Internet-ka geeska Afrika  ,waxaana shirkan isugu yimaada  shirkado badan oo arimahaas ka shaqeeyo iyo madaxda Afrika qaarkood.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]