4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Gudoomiyeyaashii degmooyinka Yaaqshiid & H/wadaag oo xilka laga qaaday

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Guddoomiyeyaashii degmooyinka Yaaqshiid iyo Howl-wadaag ee gobolka Banaadir ayaa xilalka laga qaaday, iyadoo tani ay ka mid tahay qorshayaasha maamulka gobolka Banaair ee isbedellada maamulka degmooyinka Muqdisho.

War kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa lagu sheegay in xilalka laga qaaday labada guddoomiye ee degmooyinka Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurris iyo kan Howl-wadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar).

Wararka qaar ayaa sheegaya inay labadii casho ee lasoo dhaafay ay socdeen la tashiyo ku saabsan xubnaha loo magacaabayo guddoomiyeyaasha Yaaqshiid iyo Howlwadaag.

Jurrus iyo Jacfar ayaa la sheegay inay ogolaadeen in xilalka laga qaado ayna ku wareejiyaan mas’uuliyiinta cusub ee labadan degmo loosoo magacaabayo, iyadoo lagu wado in la magacaabo maalmaha soo socda guddoomiyeyaashii bedeli lahaa.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo habeen hore xilka laga wareejiyay guddoomiyihii degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddoow (Daaci) iyadoo xilka lagu wareejiyay guddoomiyaha cusub ee degmadaas, Axmed Cabdulle Afrax.

Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa dhamaantood ah dhallinyaro aqoonyahanno ah, waxaana maamulka gobolka uu ku sheegay is-bedellada socda kuwo lagu xoojiyo ammaanka laguna doonayo in Muqdisho lagu horumariyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya