4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Dhaawacyo ka dhashay rasaas xalay lagu furay Masjid oo Muqdisho la keenay

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Dhaawacyada shan ruux oo ku dhaawacmay rasaas xalay lagu furay masaajid ku yaalla deegaanka Muuri ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta la keenay Muqdisho.

Shanta qof ee dhaawacyadooda la keenay Muqdisho oo dhammaantood rag ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku jiray masjidka si ay salaadda cishaha u tukadaan, iyadoo kooxaha rasaasta ku furay la sheegay inay xirnaayeen dharka ciidanka milagteriga Soomaaliya.

Mid ka mid ah dhaawacyadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ugu yimaadeen masaajidka rag tuute xiran oo wajiga cimaamado ku qarsaday ayna rasaas ku billaabeen, halkaasoo ay ku dhinteen shan oo qaarkood wadaaddo ahaa.

“Innagoo masaajidka ku jirna ayaa waxaa noo yimid rag tuute xiran oo wajigu u qarsan yahay, waxay nagu yiraahdeen maxaad halkan ka qabanaysaa, waxaan u sheegnay inaan doonayno inaan tukanno salaadda cishaha, dabadeedna waxay nagu billaabeen rasaas, aniga iyo afar qof oo kale ayaa dhaawacnay, shan kale oo ka mid ahaa jameecadiina way dhinteen,”ayuu yiri ruuxa oo aan magaciisa sheegin.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ehellada dadkan ayaa sheegay inay dhaawacyadu ay isugu jiraan kuwo culus iyo kuwo fudud, aysanna garanayn kooxda rasaasta ku furtay inay ahaayeen ciidamada dowladda inay Al-shabaab ahaayeen.

Mid ka mid saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Muuri ayaa u sheegay warbaahinta in kooxaha rasaasta furay ay ahaayeen Al-shabaab soo xirtay tuure, ayna iyagu ka gaareen markii ay rasaastu billaabatay, haddii aysan goobta tegi lahaynna ay dad badan layn lahaayeen.

Inkastoo aan illaa hadda la ogeyn waxay ahaayeen kooxaha weerarka geystay, ayaanay jirin weli hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan falkan lagu dilay shanta qof, shanta kalena lagu dhaawacay.

Deegaanka Muuri oo ka tirsan degmada Afgooye ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo falkan uu qayb ka noqonayo falal horay uga dhacay deegaankaan oo dad shacab ah lagu laayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya