4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Booliiska Kenya oo sheegay inay dileen qof xiriir la leh Xarakada Al-shabaab

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa toogtay shaqsi ay ku tuhmeen inuu xiriir dhow la lahaa Xarakada Al-shabaab, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Kenya.

Taliyaha deegaan xeebeedka Diani ee Kenya, Joseph Omijah ayaa xusay in Rashiid Tumbo Kufungwa ay dileen booliiska kaddib markii uu ka madax adeegay amar ku aaddan inuu is dhiibo.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in Rashiid Tumbo Kufungwa laga helay qori G3 ah iyo bastoolado xilli hore laga dhacay booliiska dalka Kenya, kuwaasoo uu ku qariyay gurigiisa.

Rashiid Tumbo ayaa dowladda Kenya ku eedeysay inuu ka dambeeyay weerar bishii tagtay lagu qaaday Kaniisad ku taalla Mombasa oo ay ku geeriyoodeen lix qof oo ka mid ahaa dadkii ku jiray.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay rumaysan tahay in Rashiid uu tababar kula qaatay Soomaaliya Xarakada Al-shabaab kaddibna uu dib ugu laabtay Kenya, si uu uga fuliyo falal ammaan-darro.

ciidanka booliiska Kenya ayaa horay dhowr jeer dilal ugu geystay xubno ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, iyadoo dilalka booliiska ay ku geysteen xubnahan ay sababeen rabshado ka dhacay magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya