4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Xubno ka Tirsan Maamulka Guriceel ee Ahlu-sunna oo lagu xiray Itoobiya

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Guri-ceel ee Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa lagu xiray Itoobiya, xilli ay deegaanno ku dhow xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya u tageen howlo shaqo.

Xubnaha la xiray oo tiradooda ay ka badan tahay toban qof ayaa waxaa ka mid ah: madaxa amniga maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee dagmada Guri-ceel, Muuse Macallin, waxaa kaloo ka mid ah madaxa arrimaha bulshada maamulkaasi, Mursal Maxamed Xeefoow iyo wariye C/qaadir Guure Barre oo ka tirsan wariyeyaasha Radio Gal-guduud iyo xubno kale.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla gudaha dalka Itoobiya, iyadoo la qabtay xilli ay shallay gellinkii dambe u gudbnaa deegaanno ku yaalla gudaha Itoobiya si ay u soo indho-indheeyaan xaaladaha ka jira deegaannadaas.

Itoobiya ayaa sheegtay in xubnahan ay uga shakisnaayeen inay xiriir la leeyihiin jahadda ONLF, balse baaritaanno dheer oo ay sameeyeen kaddib ay ogaadeen in aysan la lahayn xiriir, balse ay baarayaan sababta ay ugu soo galeen Itoobiya.

Saraakiishan ayaa u socday deegaanno ku yaalla Itoobiya iyo kuwo ku yaalla gudaha Soomaaliya oo laga soo sheegayo biyo la’aan xooggan, iyadoo weli ay socdaan dadaallada lagu soo deynayo.

Gobolka Galguduud ayaa waxaa ka howlgala ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo xarigan uussan ahayn kii ugu horreeyay oo mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna loogu geysto gudaha Itoobiya.

Ma jiro hadal kasoo baxay maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo ku saabsan xariga mas’uuliyiinta maamulkooda Guriceel ka tirsan, iyadoo xariga mas’uuliyiinta uu ku soo beegay xilli aysan wada-gaarin deegaannadii ay ku socdeen.  

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya