4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2014
Dad rayid ah oo xalay lagu dilay deegaanka Muuri ee G/Shabeellada Hoose

Sabti, Abriil 26, 2014 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa xalay lagu dilay deegaanka Muuri ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in kooxaha dilka geystay ay xirnaayeen direyska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dadkan la dilay ayaa waxaa saddex ka mid ah ay ahaayeen wadaaddo kasoo baxay masaajid ay kusoo tukadeen salaaddii cishaha, halka labada qof ee kalena ay ka mid ah ahaayeen shacabka deegaanka.

“Xalay fiidkii waxaa degmada lagu dilay shan qof oo shacab ah, afar ka mid ah isla goobta toogashadu ka dhacday ayay ku dhinteen, qofka kalena dhaawac ayuu xilli dambe u dhintay. Runtiina dhacdadan waa mid naxdin leh,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka Muuri.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa xusay in kooxaha dilka geystay ay ahaayeen kooxo xiran dharka ciidamada milateriga Soomaaliya, isagoo xusay inay rasaasta u fureen si aan kala sooc lahayn, balse ay shantan qof ku dhinteen.

Illaa hadda lama oga sababta ay kooxahan xirnaa dharka ciidamada xoogga dalka ay rasaasta ugu fureen shacabka deegaanka Muuri, iyadoo saraakiil u milateriga u hadlay ay sheegeen in falkaas aysan geysan ciidamada.

Col. Aadan Muuse Shire oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Muuri ayaa sheegay in falkaas ay geysteen kooxo hubeysan oo aan la aqoon, isagoo diiday inuu ahaa mid ay geysteen ciidamada dowladda.

Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada dowladda aysan dhibaato geysan, wuxuuna ku daray hadalkiisa in xaaladdu ay daggan tahay saakay, ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii falkaas ka dambeeyay.

Deegaanka Muuri oo ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa horay uga dhacay falal noocan oo kale ah oo la sheegay inay ka dambeeyeen cidammo ka tirsan kuwa dowladda, inkastoo saraakiisha dowladdu ay inta badan iska fogeeyaan falalka ka dhaca deegaankaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya