4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
WASIIRKA AMNIGA: “Isbedelka Maamullada waxba uma dhimayaan Amaanka”


Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta sheegay in isbedellada lagu sameynayo maamullada degmooyinka gobolka Banaadir aysan waxba u dhimayn amniga caasimadda.

C/kariin ayaa xusay inuu ka rajeynayo guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir ay sare u qaadi doonaan amniga Muqdihso, isla markaana ay ka sugayaan inay shacabka degmooyinka gaarsiiyaan inay hoggaankooda soo doortaan.

“Guddoomiyeyaasha cusub iyo isbedellada dhacay waxaan is leeyahay marxaladdu meesha ay joogto inay sare uga qaadi doonaan, waxaana aaminsanahay in amnigu wanaagsanaado mooyee inuusan kasii dari doonin,” ayuu yiri wasiirka oo ka qaybgalayay barnaamij maanta laga sii daayay idaacadda ku hadasha afka dowladda ee Radio Muqdisho.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa xusaya in guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir ay yihiin dhallinyaro aqoon leh, sababta loosoo xushayna ay tahay inay isbedel la taaban karo kusoo kordhiyaan caasimadda Soomaaliya.

“Dhallinyarada guddoomiyeyaasha degmooyinka laga dhigay waxaan ka sugaynaa in heerka ammaanka uu yahay maanta ay kasii wanaajiyaan, shacabka ku nool degmooyinkana ay u horseedaan inay soo doortaan guddoomiyeyaashooda,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay howsha ciidamada Gaashaan ama Alfa Group oo ay dowladdu u isticmaasho howl-gallada gaarka ah, isagoo xusay inay yihiin ciidammo gaar ah oo tababar wanaagsan qaba, howlaha loo dirana kasoo bixi kara.

“Waxaan kaga mahadcelinayaa shacbka Soomaaliyeed sida ay u jecel yihiin ciidamadan; runtiina ciidankan waa kuwo u baahan dhaqaale ka badan kuwa ay u baahan yihiin kuwa kale ee dowladda, waxaana dhaqaalaha halkii askari oo ciidamadan ka tirsan uu u baahan yahay ay la mid tahay dhaqaalaha ay u baahan yihiin 10-askari oo ciidamada dowladda ka tirsan,” ayuu yiri wasiirka Amniga Qaranka.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu xusay inay socdaan qorshayaal lagu kordhinayo ciidamadan si ay wax uga qabtaan amni-xumada jirta, isagoo sheegay inay ka go’an tahay xukuumadda Soomaaliya inay sugto ammaanka guud ee dalka.

Hadalka wasiirka ammaanka Qaranka ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadyadii ugu dambeeyay ay Muqdisho ka socdeen isbedello lagu sameynayo mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo guddoomiyeyaal laga dhigay dhallinyaro aad u yar-yar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya