4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo Salaaddii Jimco la Tukaday Shacabka Reer Berbera


Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta salaaddii jimce kula tukaday dadweynaha reer Berbera masaajid ku yaalla magaaladaasi.

Madaxweynaha waxa tukadashada salaadaasi jimce ku wehelinayey Gudoomiyaha Gobolka Saaxil,Maayirka Berbera, Maareeyaha Dekedda Berbera, taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha ciidanka Badda, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyadda iyo xogyaha gaarka ah ee madaxweynaha.

Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo ka mid ahaa imaamkii masaajidka Khaalid Binu Waliid ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay tukashada salaad Roob doon oo madaxweynuhu iclaamiyey in maalinta Bari ee sabtidda dalka oo dhan laga tukaan doonno  salaad roob doon ah, waxa kale oo uu Sheikh Saleebaan sheegay in safarka madaxweynuhu ku yimid Berbera ay tahay mid gaar ah oo uu soo siyaaranayey magaaladda.

Safarka madaxweynaha ayaa  u muuqday mid nasasho ah, isla markaana wararku sheegayaan inuu tagay xeebta bataale oo uu ku soo dabaashay, isagoo hore safarkii uu gobolada ku marayey uu badda u tagay dabaal.

Madaxweynaha ayaan lagu arag garabyadiisa wasiiro inta badan looga bartay inay safar kasta u raacaan, marka laga reebo masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee gobolka Saaxil oo iyagu salaadda ku wehelinayey, waana markii ugu horeysay ee uu safar u baxo isagoo la socon wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa inta badan ku dhaliili jiray madaxweynaha in marka uu gobolad u baxayo ay dhamaan wasiiradu raacaan, taasina ay keento inay xafiisyadoodda dadweynaha loogu adeegi lahaa xidhnaado.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somaliland illaa hadda kama hadal ujeedada socdaalkiisa uu ku tagay magaalada Berbera.

Madaxweynaha aya shalay si kadis ah u tagay magaaladda Berbera, isla markaana aan la sii shaacin safarkiisa, isla markaana lagu arkay uun isagoo jooga magaaladda, iyadoo aanay la socon wufuudii faraha badnaa ee looga bartay iyo wadooyinkii loo xidhi jiray marka uu madaxweynuhu baxayo ama soo galayo magaaladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland