4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Wasiirada arrimaha dibadda iyo Maaliyada Somalia oo safar ku aaday Tunisia


Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Tuuniisiya, kaddib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen bangiga horumarinta Afrika iyo dowladda Tuuniisiya.

Wasiirrada ayaa lagu wadaa muddada ay joogaan dalka Tunisia inay la kulmaan, Donald Kaberuka oo ah madaxweynaha bangiga horumarinta Afrika, qaar ka mid ah madaxda waaxyaha kala duwan ee bangiga, wasiirka arrimaha dibadda Tunisia, Mongi Hamdi, wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda, Hakim Ben Xamuuda iyo mas’uuliyiin kale.

C/raxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho aanay dhoofin ayaa sheegay in madaxda bangiga horumarinta Afrika ay kala hadli doonaan fududeynta deeqaha maaliyadeed ee ay ugu talo-galeen Soomaaliya, ayna qaar ka mid ah wasiirrada dowladda Tunisia u bandhigi doonaan hindise cusub oo horumarinaya xiriirka labada dal, kana qayb-qaadanaya kobaca dhaqaale iyo maal-gashiga .

Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray in socdaalkooda Tunisia kaddib ay u gudbi doonaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay kaga qeyb-gali doonaan shir ku saabsan maal-gashiga.

Wasiirka ayaa wuxuu carrabaabay inay la kulmi doonaan dhiggiisa Imaaraadka Carabta, Sheekh Cabdallah Bin Zayed Al Nahyaan iyo wasiirro kale, ayna kala hadli doonaan fulinta mashaariic horumarin oo dib u dhiska iyo maal-gashiga Somalia ku qotoma, isagoo yiri: “Waxaan rajeynayaa in booqashooyinkeenna ay ku dhammaadaan guul iyo is-afgarad.”



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya