4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Xukuumadda oo Ammaanay Doorka FIFA ee dib u soo Nooleynta Isboortiga


Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku ammaantay doorka ay FIFA ka qaadanayso inay ka hortagto inuu burburo isboortiga Soomaaliya, kaddib markii shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho tababar loo qabtay garsoorayaasha Soomaaliyeed; taasoo noqonaysa markii ugu horreysay oo FIFA ay ka fuliso tababarkan muddo 25-sano ka badan sida lagu daabacay shabakadda FIFA.

Wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga xukuumadda Somalia, Khaalid Cali Cumar ayaa ku sheegay war-saxafadeed uu soo saaray in FIFA ay ka ciyaartay door wax ku ool ah dib u soo nooleynta isboortiga Soomaaliya, si uusan u burburin doorka caalamka ee isboortiga Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaan halkan ammaan uga jeedinayaa madaxweynaha FIFA, Joseph Sab Blatter oo dadaal u galay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa isboortiga Somalia oo ahaa mid saaxada caalamka ka maqnaa muddo ka badan 20-sano,” ayuu wasiirku ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in dib u dhiska garoonka kubadda cagta ee Banaadir ay qayb ka tahay tallaabooyinka ugu muhiimsan ee FIFA ay ku horumarinayso isboortiga Soomaailya.

“Waxaan la soconnaa in cowska lagu goglay garoonka Banaadir Istaadiyum uu yahay mid la mid ah kuwa caalamku ay isticmaalaan,” ayuu hadalkiisa ku daray. “Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo madaxweyne Blatter, xogyihiisa guud iyo xubnaha guddiga FIFA, waxaana ku boorrinayaa inay howsha halkaas kasii wadaan.”

Khaalid Cumar ayaa intaas ku daray in dalkiisu uu xusuusanaan doono howsha ay FIFA ka qabatay Soomaaliya, taasoo qayb ka ah badbaadinta boqolaal kun oo qof oo ay saameeyeen dhibaatooyinkii dalka dhacay.

“Arrintan waxaa qayb weyn ka qaatay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, iyagoo sabab u ahaa in FIFA ay ka shaqeyso horumarinta isboortiga Somalia,” ayuu wasiirku mar kale yiri. “Wada-shaqeynta FIFA iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya waa mid muhiim, waxaana uga mahadcelinayaa xubnaha xiriirka dadaalladooda ku aaddan xiriirka ay la leeyihiin FIFA.”

Tababarkan ay FIFA u soo xirtay garsoorayaasha kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa daba socday tababar ay xubno ka socda FIFA ku siiyeen Muqdisho sanadkii lasoo dhaafay qaar ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya