4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
MADAXWEYNE XASAN SHIIKH: Turkigu waxay bedeleen wajigii Muqdisho


Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Somalia ay bedeleen wajigii magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in tan iyo sannadkii 2011-kii ay Soomaaliya ku bixisay lacag gaaraysa 400-milyan oo doollarka Mareykanka ah, iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay ka wadaan mashaariic isugu jirta, dib u dhis, ceelal la qoday, waddooyin iyo isbitaallo la dayactiray, dib u celinta dayactir lagu sameeyay dhismayaashii xukuumadda iyo xoojinta beeraha.

“Turkigu waxay Soomaaliya ka qabteen howlo wanaagsan oo aanan horay u arag,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo intaas ku daray: “Waxay bedeleen wajigii Muqdisho.”

Shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwo aan ku qanacsanayn in hay’adaha Turkiga ay isaga baxaan dalka. Bishii July ee sannadkii hore Al-shabaab ayaa qarax la beegaday xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, qaraxaasoo dilay mid ka mid ah saraakiisha ilaalada ka hayay safaaradda iyo wiil arday ah oo meesha marayay, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen Injineerro Turki ah madfac lagu weeraray dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga ay ka dhisanayso degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Al-shabaab ayaa weli ku goodinaysa in hay’adaha Turkiga ee ka howlgalaya Muqdisho ay beegsanayaan, iyagoo ku eedeynaya inay maqaarsaar u yihiin reer galbeedka. Iyadoo ay xukuumadda Turkigu u qaadday dalkeeda 1,200 oo arday Soomaaliyeed ah si ay wax ugu soo bartaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 20-sano ah kaddib ku wareejisay garoonka diyaaradaha Muqdisho shirkad Turki ah oo casriyeynaysa, taasoo qayb ka ah howlaha horumarineed ee Turkigu ay ka wadaan Soomaaliya.

Turkiga ayaa sannadkii 2009 shaacisay in 51 oo Afrikaan ah ay la sameysanayso xiriirro dhinaca ganacsiga ah, dalalkaas oo ay ku jirto Soomaaliya, taasoo qayb ka ah qorshaha ay xukuumadda Turkigu ku doonayso inay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay Afrika.

Sidoo kale,Turkiga ayaa  20-dal oo Afrikaan ah ka furtay safaarado labadii sano ee lasoo dhaafay. Iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay shaacisay inay gargaar ahaan u siiyeen dalalka Afrika intii u dhexeysay sannadihii 2003-kii illaa 2012-kii lacag gaaraysa 5.4-bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Somalia ayaa howshooda billaabay sannadkii 2011-kii, markaasoo uu booqasho lama filaan ah ku yimid Muqdisho ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xilligaasoo ay Somalia ku dhufteen abaaro sababay macluul aad u daran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya