4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Dalalka Maraykanka iyo Ruushka oo Weli isku khilaafsan Arrimaha Ukraine


Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka, John Kerry ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay dab ku sii shidayso dagaanaansha la'aanta ka jirta Ukraine ,isagoo ku eedeeyay Moscow bur-burinta heshiiskkii dhawaan lagu gaaray magaalda Geneva.

"Ukrairne waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen nabaddii gobolka ka jirtay ,balse waxaas oo idil waxaa bur-burin ku wada Ruushka "ayuu yiri Kerry oo maalinimadii shalay war kooban siiyay warbaahinta.

"Hogaanka ku meel gaarka ah ee Ukraine waxa ay doonayaan in ay ka dhabeeyaan heshiiskii la wada gaaray oo horseedi kara in wax kasta loo maro hab dimuqraadiyad ay  ku dhisantahay, mana jiro qof shaki uu kaga jira gacanta ay dowladda Ruushku arintan ku car-qaladaynayso," ayuu hadalkiisa ku daray Kerry.

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa isna waqti sii horeysay ka dhawaajiyay in ay jiri doonto  cunaqabatayn dheeri ah oo ay la kulmi doonaan  madaxda  Ruushka, haddii aysan ka qayb-qaadan dadaallada nabadda ah ee hadda socda.

Dhinaca kale, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa aaladda internetka  ugu yeeray mashruuc hay'adda sirdoonka ee Maraykanka CIA ay lee dahay, waxaana shacabka dalkiisa uu uga digay isticmaalka Google-ka

"Waxaa dadkeen u fudud in ay isticmaalaan aalladda Yendex, waayo Google- waxaa maamula Maraykanka iyo  xulufadiisa," ayuu yiri Putin oo warbaahinta la hadlayay, waxaana la sheegay in Google uu wax badan ka horeeyo Yendex.

Ugu danbayn, hadallada ay is-weydarsnayaan masuuliyiinta ugu sareeya labadan dowladood ayaa soo noq-noqonayay baryihii lasoo dhaafay, iyadoo muranka ugu badan uu ka taaganyahay Ukrayn oo ay ka socdaan xiisado iska soo horjeeda.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]