4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Danjire Nicholas Kay oo sheegay in la diyaarinayo Ciidammo Ammaanka Suga

Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa dabooka ka qaadday inay dowladda Soomaaliya ka taageerayaan abuurista ciidammo gaar ah oo ka shaqeeya sugidda amaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo dalalka saaxiibka la ah dowladda Soomaaliya ay hadda ka shaqaynayaan in dowladda Soomaaliya loo tababaro ciidammo gaar ah oo suga ammaanka.

Ciidamadan oo tiradoodu gaarayso 10,500 oo askari ayaa gacan ka geysan doona sugidda ammaanka dalka iyo ka hor-tagga weerarrada Al-shabaab ay ka geystaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

“Abuurista ciidammo xoog leh oo Soomaaliyeed waqti badan ayay qaadatay, hadda waxaan qorshaynaynaa inaan dowladda u abuurno ciidammo amaanka sugi kara oo xoog leh,” ayuu yiri ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas  Kay.

Sidoo kale, danjire Kay wuxuu sheegay in dowladaha taageera Soomaaliya ay ka geysan doonaan gacan diyaarinta ciidamadan, kuwaasoo uu sheegay in xitaa ay ku jiraan kuwo la geyn doono gobollada dalka.

Ugu dambeyn, wakiilka ayaa soo hadal qaaday arrimaha bini’aadanimada oo uu sheegay inay Qaramada Midoobay kordin doonto oo gar-gaar ay siiso Soomaaliya, iyadoo gargaarkan la gaarsiin doono deegaannada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen Al-shabaab.

Hadalka ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa imaanay xilli dhawaan lagu dilay Muqdisho laba xildhibaan mid kalena la dhaawacay, waxaana sheegatay mas’uuliyadda dilalkaas Al-shabaab.

Dhanka kale, hadalkan wuxuu kusoo beegmaaya iyadoo danjire Kay uu sheegay in amni-xumada Muqdisho ay sababi doonto in hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka baxaan Soomaaliya oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya