4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Hooyada dhashay wiil Soomaali ah oo diyaarad ku dhuuntay oo la Wareystay

Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Hooyada dhashay wiil yar oo Somali ah oo ku dhuuntay lugta diyaarad isaga gooshaysay California iyo Hawaii ayaa BBC-da siisay wareysi ay ku dalbanayso in wiilkeeda la tuso.

Ubax Maxamed Cabdullaahi oo ah hooyada dhashay Yaxye Cabdi oo ah wiilka ku dhuuntay diyaaradda oo 16-jir ah ayaa sheegtay in wiilkeeda iyo iyada muddo dheer la kala qarinayay, ayna arrinta ku dhacday aad uga naxday.

“Wiilkayga sannado ka hor ayaa la geeyay Mareykanka, waxaana loogu sheekeeyay in hooyadiis ay dhimatay, balse muddo kaddib ayuu ogaaday inaan noolahay oo aan Afrika joogo, taas ayaana ku kalliftay inuu naftiisa khatar geliyo si uu ii arko,” ayay tiri Ubax.

Sidoo kale, hooyada ayaa sheegtay in laba cunug oo kale oo ay dhashay oo wiil iyo gabar ah iyagana ay dhibaato la mid ah tan Yaxye uu qabay ee ku qabsatay inuu ku dhuunto diyaarad ay qabaan.

“Calaamka iyo Soomaalida waxaan ka codsanayaa inay gacan ka geystaan sidii aan isku arki lahayn aniga iyo wiilkayga,” ayay tiri Ubax oo ooyaysa; iyadoo sheegtay in loo diido in caruurteeda ay la hadasho tan iyo markii Mareykanka la geeyay.

Hooyo Ubax waxay sheegtay inay ku nooshahay xero qoxooti oo ku taalla Itoobiya, iyadoo xustay in aabbaha dhalay caruurta oo magaciisu uu ahaa C/raxmaan Yuusuf uu hadda bedelay magaciisa uuna isku bixiyay Cabdullaahi.

Dhanka kale, aabbaha dhalay wiilka oo magaciisa ku sheegay C/llaahi Yuusuf Cabdi ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in wiilka ay waayeen habeen uu Sabti soo galaya, uuna warbaahinta ka maqlay maalin kaddib in wiilkiisii uu ku dhuuntay taayarka diyaarad isaga socdaalaysay gobollada California iyo Hawaii.

“Waxaan u maleynayaa inay waxbarashadu ku cuslaatay, taasna ay keentay inuu dhibaatadan u maro,” ayuu yiri Yaxye Aabbihii, isagoo intaas ku daray inuu filayo inuu doonayay inuu booqdo Ayeeyadiisa iyo Awoowihiis oo Afrika jooga.

Si kastaba ha ahaateen arrintan ayaa waxay ka yaabisay calaamka oo dhan, iyadoo wiilka ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka gobolka Huwaii, laakiinse aabbaha wiilkan ayaa sheegay in lagu wargeliyay in dib loogu soo celin doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya