4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Ciidamo ku dagaalamay deegaanka Buufoow ee gobolka Shabeellada Hoose

Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa shalay gellinkii dambe illaa xalay ku dagaalamayay deegaanka Buufoow ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo dagaalkaas uu dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidammo nabad sugid ah iyo kuwo milateri ah, kuwaasoo ku murmay isbaaro halkaas taallay, waxaana dagaalka oo ahaa mid xooggan uu socday illaa xalay saqdii dhexe.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada milateriga ah ay u suuro-gashay inay la wareegaan deegaanka Buufoow oo uu dagaalku ka bilowday, halka ciidamadii nabadsugidda ahaa ay iyaguna xalay ku dhawaadeen Buufoow.

Saraakiil ka tisran ciidamada dowladda Somalia oo dagaalkan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan, waxaase dagaalkan uu kusoo beegmay iyadoo ciidamada nabadsugiddu ay kawadaan gobolka Shabeellada Hoose howlgallo lagu qaadayo isbaarooyinka.

Ciidamadan ayaa ka hor intii aysan gaarin Buufoow waxay isbaarooyin tobaneeyo ah ka qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ciidamada milateriga ah ee isbaarooyinka ku lahaa deegaankaas ay diideen inay isbaarada qaadaan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, ayna socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu dagaalkaas lagu qaboojiyo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen toddoba askari ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan dhammaantoodna loosoo qaaday Muqdisho, iyadoo weli ay jirto xiisad u dhexeysa ciidamada oo ka taagan Buufoow.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya