4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Maamulka Gobolka Banaadir oo ku Baaqay in la furo Waddooyinka Xir-xiran

Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inaysan u dulqaadanayn waddooyinka xiran, iyagoo ugu baaqay hay’adaha iyo shaqsiyaadka ay u xiran yihiin waddooyinka inay furaan si ay shacabku u maraan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa sheegay in maamulkiisu uusan ogolaanayn in qof uu xirto waddo ka dhexeysa bulshada, balse ay ogol yihiin in cid walba ay gurigeeda hor-dhigato wixii qalab ee ay isku ilaanayso.

“Degmada Wadajir ah oo ka mid ah degmooyinka nabdoon ayaa waxaa muuqanaysa in waddooyinkeeda la xirayo hadda, marka waxaan caawa halkaan ka sheegayaan inaan u dulqaadan doonin in waddooyinka la xirto,” ayuu yiri Muun-gaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ha’yadaha iyo shaqsiyaadka ay u xiran yihiin waddooyinka inay furaan, si ay shacabku u maraan, isagoo sheegay in hadda ay Muqdisho ka jirto nabad, sabab waddooyinka loo xirana aysan jirin.

“Waa dhici kartaa in mararka qaarkood qaraxyo dhacaan, caalamka oo dhan ayay qaraxyo ka dhacaan, marka ma ahan in qarax dhacay waddooyinka loo xiro, innagu waxaan ballanqaadaynaa inaan adkeynno ammaanka, cabsida badanna ha la iska daayo,” ayuu hadalkiisa ku daray Muun-gaab.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlayay xaflad uu xilka ku wareejinayay guddoomiyihii degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa sheegay inay ku dari doonaan ciidamada madaniga ah ee suga ammaanka xaafadaha kuwa booliiska gobolka.

“Ciidamada madaniga ah ee suga ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir qaar ka mid ah, waxaan ku dari doonnaa booliiska degmada ay ku sugan yihiin, si ay u helaan xuquuq iyo mushaaraad,” ayuu ka dhawaajiyay duqa Muqdisho.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya iyadoo waddooyin badan ay u xiran yihiin hay’ado iyo shaqsiyaad gaar ah, kuwaasoo sheegaya inay tahay mid ay ku sugayaan ammaankooda, waxaana loo diiday inay gaadiidku ay maraan jidadkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya